Sign in to follow this  
Mooge

Prof. Gaas: “Hawada Somaaliya, halugu wareejiyo Somaliland yeeli mayno

Recommended Posts

Mooge   

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waraysi uu siiyey Raadiyaha Codka Maraykanka ee VOA kaga hadley heshiiskii dhawaan ku dhex-marey Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Ugu horeyntii si guud ayuu Madaxweyne Cabdiweli Gaas u soo dhaweeyey wada hadalka waana uu dhiiri geliyey, haddii muhimadda wa dahadalka iyo nxurku yihiin in la helo Soomaaliya oo mid ah ayuu yiri.

 

Qodobada sida gaarka ah oo uu taabtey ayaa ka mid ah qodob hadda ka hor Dowladda federaalku kula heshiisey Somaliland kaas oo dhigaayey in Hawada Somaaliya maamulkeeda lagu wareejiyo Somaliland, Heshiiskii u danbeeyeyna lagu qeexey in la fuliyo heshiiskaas.

 

“Haddii aan Puntland nahay qodobka hawada ee heshiiska ku jiro waxbaan ka qabnaa oo far baa nooga taagan, heshiiska hawada aniga (Madaxweyne Gaas) ayaa bilaabey sanadkii 2010 markii aan ahaa wasiirka Qorsheynta, waxa uu ahaa shir saddex geesood ah oo lagu sameeyey guddi farsamo, hadda in la yiraahdo hawada Soomaaliya maamulkeeda halagu wareejiyo Somaliland waa fikir khaldan, waxa keliya ee lagu heshiin karo waa Soomaaliya hal meel ayey lahaan jirtey oo laga maamulo hawadeeda waana Caasimadda Muqdisho, haddii laga raraayo Garowe hala keeno” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

 

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegey in heshiiskan ay ka muuqato qodobo ah in lagu dhiirado arrimaha masiirka ah ee taabanaya Soomaaliya.

 

“Su’aasha taagan waxa weeyey arrimaha masiiriga ah waa wax Soomaaliya oo dhan kuseeya, Puntland meelo si gaar ah u taabanaya yaa jirta sida gobolada Sool, anaag iyo Cayn waa wax Puntland taabanaya iyo xuduudaheedi, dastuurkuna waxa u sheegaya in arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dowlad goboleedyada laga qaybgeliyo, mana ahan wax ay go’aan ka gaari karaan Siilaanyo iyo Xasan oo keliya, halgu dhiirado wada hadalka laakiin halaga qaybgeliyo dadka ay khuseyso” ayuu yiri Gaas.

 

Qodobka Madaxweyne Gaas soo qaatey wada xaajoodka iyo arrimaha taabanaya Dowlad Goboleedyada ayaa u dhigan sidaan:

 

Qodobka 53. Faqradiisa 2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawladgoboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

 

Maamulka hawada Soomaaliya oo muddo yaaley dalka Kenya ayaa si toos ah loogu wareejiyey Soomaaliya oo Qaramada Midobey ay ku wareejisey, waxaana dad badan is weydiinayaa sababta keeni karta in mar kale dib loo celiyo maadaama Somaliland ay ku adkeysanayso in ay a mid tahay Kenya oo kale dal madaxbanaan oo ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya

 

Dhegayso Waraysiga oo dhamaystiran:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this