Sign in to follow this  
Mooge

Omar Abdirashiid cruises to easy victor at the parliament.

Recommended Posts

Mooge   

2119.jpg

 

Qoslaye is wondering what will come out of his decision to appoint CCC as PM. I can tell you that qoslaye will not have easy time playing garbage politics with Puntland. it gest more difficult now.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

PRIME MINISTER'S SPEECH

 

 

Assalaamu Calaykum Warraxmatullahi Wabarakaatu

 

Waxaa sharaf weyn ii ah inaan hortiinna imaado si aan u helo codka kalsoonida Golaha Shacabka, oo aad ku ansixinaysaan magacaabista uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ii magacaabay, xilka Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii ay taariikhdu ahayd 17ka Bishaan Deseembar ee sanadka 2014ka.

 

Waxaan u mahad-naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, magacaabista uu ii magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaarenimo iyo kalsoonida uu ii siiyey.

 

Waxaan kaloo u mahad-celinayaa, Golaha Shacabka oo runtii muujiyey dhabar-adayg iyo bisayl siyaasadeed mudadii adkayd ee lasoo maray.

 

Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo dhammaan Golaha Wasiirada, oo runtii qabtay hawlo muhiim ah oo uu sugayey Shacabka Soomaaliyeed in muddo ah.

 

Waxaan si gaar ah Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Ciidamada Amniga iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Guulaha isdaba jooga ah oo ay soo hooyiyeen. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Ururada Rayidka, Ganacsatada, Odayaasha, Haweenka, iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed, oo Ilaahay ka sokoow qeybta ugu horeysa ka qaatay, badbaadada Shacabka Soomaaliyeed waqtigii adkaa ee colaadda sokeeye iyo abaaraha. Haddana, kaalinta koowaad kaga jira dib-u-dhiska Qaranka Soomaaliyeed.

 

Waxaan u Mahad-celinayaa Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan, sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin Dawladda Soomaaliyeed.

 

Ugu dambayntii, waxaan sidoo kale u Mahad-celinayaa, Wadamada iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee gacanta siiya Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa naga caawiya sugidda iyo xoojinta Amniga oo ay AMISOM qeyb ka tahay.

 

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

 

Marka aan helo kalsoonidiina, waxaan ballanqaadayaa inaan soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay. Xukuumaddaas oo noqon doonta mid matasha qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna leh: karti, aqoon, hufnaan, khibrad iyo firfircooni.

 

Hadafka Xukuumadda aan soo dhisidoono, wuxuu noqon doonaa, in la hormariyo, lana higsado, gaaritaanka Isku-filnaasho dhanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada sida ugu dhakhsida badan.

 

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Sida aad la socotaan Marxaladda aan maanta ku sugannahay, ma’ahan mid sahlan. Inkasta oo sanadihii ugu dambeeyey Qaranku uu soo kabsanayey, hadana weli lama gaarin Himiladii aan Hiigsaneynay. Sida aad la socotaan, weli waxaa jira marxalado adag oo ina horyaala oo ay ka mid yihiin:

 

Dhulka kooban ee weli ku haray Gacanta Argagixisada;

Cadaaladda iyo Garsoorka oo aan gaarin, heerkii laga rabay;

Barnaamijkii Dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, oo aan weli si buuxda u hirgelin;

Adeegga Bulshada oo bilaw ah, welina aan gaarin Gobolada Dalka oo dhan;

Dawlad Wanaagii iyo Tayadii Hay’adaha Dowladda oo hooseeya;

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Sida aad la socotaan, waxaa ina horyaal Hawlo Baaxad weyn leh, si looga gudbo Marxaladda aan horay u xusay, Xildhibaanada Sharafta leh waxaan ka codsanayaa, in ay i siiyaan codkooda kalsoonida, si hawlahaas aan u dardar gelino mudada yar ee ka hartay wakhtigii loo cayimay ee ku xusan Hiigsiga 2016ka

 

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Markaad i siisaan kalsoonida, waxaan sida ugu dhaqsiyada badan u soo dhisidoonaa Xukuumada, una soo gudbindoonaa Golaha Shacabka Xuukuumadda iyo Barnaamijkii ay ku shaqeyn laheyd.

 

Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono wuxuu noqondoonaa mid ku salaysan Nidaamka Dawlad Wanaagga, isla xisaabtan,hufnaan iyo Dhowrista ku Dhaqanka Sharciga.

Wax-qabadka ugu horeeya ee aan mudnaanta siin doono waxaa ka mid ah:

 

Xasiloonida Siyaasadda

Dhameystirka dib-u-heshiisiinta

Fulinta Hiigsiga 2016ka

Adkeynta Aminga

Horumarinta Caddaaladda

Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dakhliga Dawlaada

Maamul Wanaagga Maaliyadda

La-dagaalanka musuqmaasuqa

Kordhinta adeegga bulshada

Dadar-galinta Dawlad Wanaagga

Iyo, dib-u-dhisidda iyo dib-u-habeynta Hay’adaha Dawladda

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

 

Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono ka sokow, anigoo kaashanaya Madaxweynaha, Hoggaanka Golaha Shacabka, Xildhibaanada, iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, una dhaxeysa Madaxda Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleedba, si dib loogu hanto kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.

 

Helitaanka Xasiloonida iyo isfahamka Siyaasaddu, wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka, Qaranimada, Dawladnimada, Horumarka, iyo Sharafta Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed. Xasilooni la’anta Siyaasaddu, waxay halis gelin kartaa, horumarkii Dowladnimo ee aan gaarnay sanadihii lasoo dhaafay.

 

 Sidaa awgeed, waxaan dhiiragelin doonaa, wadatashi iyo wadashaqayn joogta ah, ee dhexmarta Madaxda dalka heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleed, iyadoo markasta la eegayo Danta Guud ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

 

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

 

Waxay Xukuumaddu dhamaystiraysaa dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, si dhab ahna u gaarsiineysaa Dalka oo dhan. Inkastoo Horumar weyn laga gaaray dib-u-heshiisiinta, hadana wali lama gaarin in si buuxda ay shacabka Soomaaliyeed isku aaminaan iskuna cafiyaan.

 

Sida awgeed, waxaan soo jeedin doonaa Siyaasadda lagu dhameystirayo Dibuheshiisiinta iyo wadada loo marayo fulinta Siyaasaddaas, iyadoo lala tashanayo lalana shaqeynayo Golaha Shacabka, Maamul-goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Waxaan dhisidoonaa Guddi khubaro ah oo talo-bixin ka sameeya Siyaasadda lagu dhameystirayo dib-u-heshiisiinta iyo habka iyo wadada ugu haboon oo loo fulin karo Siyaasaddaas.

 

Xukuumaddaydu waxay sidoo kale dardar-gelin doontaa, hawlaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-heshiisiinta, sida ku xusan Dastuurka.

 

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

 

Waxaan dardar-galindoonaa fulinta Hiigsiga 2016ka, si loo gaaro Demoqaraadiyad buuxda wakhtiga uharsan Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. Inkastoo laga gaaray horumar lataaban karo qaybo ka mid ah Hiigsiga 2016ka, hadana waxaa harsan Ansixinta iyo hirgelinta sharciyo iyo Guddiyo muhiim u ah fulinta Hiigsiga 2016ka

 

Xukuumadda, waxay sii wadi doontaa, dardar-gelin doontaana, wadatashiyada iyo dhamaystirka dhismaha Dowlad-goboleedyada KMG ah.

 

Waxay Xukuumaddaydu u soo gudbin doontaa Golaha Shacabka, Sharciyada iyo Guddiyada Madaxabanaan ee dhimman ee Dustuuriga ah.

 

Ugu dambayntii, waxaan halkaan ka cadeynayaa in Hiigsiga 2016ka iyo fulinta Hawlaha Baaxada leh ee ina horyaal, ku hirgeli karaan oo kaliya, wada shaqayn iyo wada tashi dhexmara Hoggaanka Dalka iyo Golaha Shacabka.

 

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.

 

Diyaarinta, asnixinta iyo Meel-marinta Shuruucda iyo Siyaasadda Xukuumadda, iyo wakhtiga kooban ee aynu haysano, ayaa muqaddas ka dhigaya, Xiriir joogta ah oo u dhaxeeya Hoggaanka Dalka iyo Golaha Shacabka.

 

Anna waxaan hubin doonaa, markaad Codka kalsoonida i siisaan, in xiriirku noqdo mid sare,oo joogta ah, si loo gaaro himilada aynu hiigsanayno.

 

Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Waxaan si Xushmad ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad i siisaan kalsoonidiina, si aan u soo dhiso Xukuumadda una soo bandhigo barnaamijkeeda oo dhamays-tiran, muddo kooban gudaheedana idinku horkeeno.

 

Waad mahadsantihiin, WABILLAHI TOWFIIQ

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cumar34.jpg

 

President Hassan Commander in chief wishes the best for Puntland - centre state - Jubba admin- south west state -Green state No difference

 

 

 

Congrats OMAR ABDIRASHIID CRUISES TO EASY VICTOR AT THE PARLIAMENT

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this