Sign in to follow this  
malistar2012

The Motion stands debate on Monday the speaker warns Spoilers zero tolerance

Recommended Posts

Jawaari oo sheegay in maalinta Isniinta la hor keenayo mooshinka, loona dulqaadan doonin fowdo

by A M | Friday, Nov 21, 2014 | 3087 views

 

 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti ayaa sheegay in maalinta Isniinta la horkeenayo Baarlamaaanka mooshinkii horay loogu soo gudbiyay.

 

Mr Jawaari ayaa sheegay in intaan ka badan uusan sii heyn karin mooshinka oo muddo 15 cisho uu Gudoonka loo soo gudbiyay ilaa iyo hadana ay suura geli la’dahay in la horkeeno baarlamaanka.

 

“Hadii Alle yiraahdo maalinta Isniinta waxaa furmi doona kulankii baarlamaanka mooshinka muddo 15 cisho ayaa laga joogaa markii nala soo gudbiyay intaan kadib ma sii heyn karo”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin Xildhibaanada buuqa iyo fowdada ay sameynayaan, isla markaana tallaabo uu ka qaadayo

 

“Xildhibaan walba waxaa laga doonayaa inuu xilkiisa guto, mana yeelanayo mana u dulqaadanayo wax buuq iyo wax is horistaag waana ceeb inaan taas iska joojino nagala rabaa ilaa iyo hada xildhibaanada nidaamka ilaaliyay aad ayay u mahadsan yihiin”ayuu yiri Jawaari.

 

Labadii jeer ee u dambeysay ayuu qabsoomi waayay kulankii Baarlamaanka, kadib markii uu buuq iyo fowdo hareeyay mooshinkii loo soo gudbiyay, iyadoo tan iyo mudadaas uu khilaafka jirayna uu saameeyay hey’adaha dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this