Mooge Posted November 20, 2014 Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, xubnaha golaha Shacabka ee kasoo horjeeda Mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda F.Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu faraha kala baxo shaqada Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka Qaran ee laga sugayo. Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay tiro Xildhibaano ah oo horey uga mid ahaa xubnihii mooshinka keenay Xukuumadda, waxana ay tilmaameen markii ay garowsadeen danta qaranka iyo hakadka ay galeen guud ahaan shaqooyinkii Hay’addaha dowladda in ay garowsadeen oo ay isaga talaasulaan mooshinka. Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow oo ku hadlay magaca Xildhibaanada ayaa sheegay markii uu arkay dhibaatada Mooshinka iyo halista uu ku yeeshay howlihii qaranka in uu go’aan saday dib inuu uga baxo mooshinkaas, wuxuuna geesta kale baaq u diray xildhibaanada weli ku adkaysanaya mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda in ay ilaaliyaan danta qaranka isla markaana ay iskaga haraan mooshinka. Quote Share this post Link to post Share on other sites