Sign in to follow this  
Axmed1508736699

Nikolas Kay urges Maamulka SNM to end political crisis in peaceful way

Recommended Posts

Nicholas Kay oo ka hadlay muranka siyaasadeed ee ka jira Maamulka Somaliland, kuna baaqay in xaalada la dejiyo

by A M | Sunday, Nov 16, 2014 | 2214 views

 

 

 

 

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay muranka siyaasadeed ee ka jira Maamulka Somaliland, kadib markii shalay uu buuq hareeyay fadhigii Golaha wakiilada iyo rabshado ka dhacay magaalada Burco.

 

War saxaafadeed uu soo saaray Nicholas Kay ayaa waxaa uu ugu baaqay dhinacyada inay is xakameeyaan, isla markaana xaalada la dejiyo.

 

“Somaliland waxay horumaro ka sameysay inay doorashooyin dimoqraadi ah ka dhacaan deegaanadeeda, laakiin rabshadihii dhacay waxay qatar ku yihiin doorashooyinka soo socda”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay.

 

Nicholas Kay ayaa walaac xoogan ka muujiyay rabshadihii ka dhacay Burco oo sababay dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada oo xabsiga loo taxaabay.

 

“Waxaa ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada oo dhan, inay is xakameeyaan, xaaladana ay dejiyaan, si geeddi socodka dimoqraadiyada si buuxda loo ixtiraamo”ayuu ku yiri Nicholas Kay war saxaafadeedka ka soo baxay.

 

Muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya Mucaaradka iyo xukuumada ayaa sii xoogeystay, kadib markii Xildhibaanada muxaafidka ay mooshin ka keeneen Gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani, kaasoo shalay loo diiday inuu galo gudaha Baarlamaanka.

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this