Sign in to follow this  
Axmed1508736699

Ethiopian ministers visits Maamulka Amxaarkalkaalland

Recommended Posts

Wafdi Wasiirro ah oo ka socda dalka Itoobiya oo socdaal ku yimid Somaliland

0 0 Google +0 0

 

 

Khamiis, November 13, 2014 (HOL) — Wedti heer wasiir ah oo ka socda dalka Itoobiya uuna hoggaaminayo wasiirka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Itoobiya, Suufi Axmed ayaa shalay galinkii dambe socdaal shaqo ku yimid Somaliland.

 

Weftigan ayaa waxay ka koobnaayeen wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Wasiirul dawlaha Maaliyadda, Agaasimeyaal guud oo ka socday Hay’adaha horumarinta wadooyinka, tareenadda,korontadda iyo wakaaladda qeybinta shiidaalka.

 

Waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaalle, iyo wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay weftigani dalka u yimaadeen sidii xidhiidhka labadda dal loo xoojin lahaa, isla markaana ganacsiga iyo maalgashiga iskaga kaashan lahaayeen, isagoo xusay inay doonayaan in ay sameeyaan Tareen isku xidhi doona Somaliland iyo Itoobiya iyo sidii Somaliland uga faa’iidaysan lahayd Laydh-ka Itoobiya oo la soo gaadhsiin lahaa Somaliland.

 

Sidoo kale, wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa sheegay inay Somaliland u yimaadeen sidii ay isku kaashan lahaayeen, isla markaana xaga ganacsiga ka wada shaqayn lahaayeen, isagoo amaanay horumarka Somaliland ka jirta.

 

“Waxaanu u nimid Somaliland sidii xaga ganacsiga, iyo wada shaqaynta naga dhexeysa u horumarin lahaa, Somaliland waa goob nabad ah oo wax badan is waydaarsan karno, waxbadana ka wada shaqayn karno, sidii xaga dhismaha wadooyinka iyo sidii ganacsiga loo xoojin lahaa, waxa kale oo aanu ka wada hadlaynaa sidii waddo tareeno loo samayn lahaaa mustaqbalka oo isku xidhi doona Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay Itoobiya doonaysa sidii u isticmaali lahayd Dekadda Berbera ee Somaliland iyo sidii maalgashiga ugu samayn lahaaa Somaliland”ayuu yidhi wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo ka hadlaya ujeedadda safarkoodda.

 

Weftidan muddada ay socdaalka ku joogaan Somaliland, waxay kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirrada.

 

Weftigani waa kii ugu cuslaa ee ka socda dawladda Itoobiya ee Booqashadda ku yimaada Somaliland.

 

- See more at: http://hiiraan.com/news/2014/Nov/wararka_maanta13-59036.htm#sthash.gB4AMibv.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this