Sign in to follow this  
Axmed1508736699

French Ambassador for Somalia visits Maamulka SNM

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha France ee Somalia

0 0 Google +1 0

 

 

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

 

 

Khamiis, November 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefdi uu horkacayay safiirka Faransiiska ee Soomaaliya, danjire Remi Marechaux oo fadhigiisu yahay Nairobi.

Shirkaasi ka dib wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka warbixiyey kulanka safiirku la yeeshay madaxweynaha, waxaanu sheegay in madaxweynuhu uga warbixiyey horumarka dalka iyo wixii u qabsoomay mudadii ay somaliland jirtayba.

 

“Faransiisku aad buu diyaar ugu yahay inuu Somaliland wax la qabsado. waxyaabaha ugu waaweyn ee uu nagala hadlay waxaa ka mid ahaa sidii Shirkado waaweyn oo Faransiis ahi dalkeena wax uga qaban lahaayeen.aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa dawladda faransiiska.waxaanu ka codsanay inay Horumarka Somaliland taageeraan”ayuu yidhi Maxamed Biixi.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dawladda Faransiiska ka codsadeen inay wada hadalka u socda Somaliland iyo Soomaaliya u socda qayb ka qaataan, waxaanu yidhi “ waxa kale oo aanu ka codsanay in Wada hadalka Somalia iyo Somaliland u socda gacan ka gaystaan, isla markaana ay Golaha amaanka geeyaan qaddiyada Somaliland.waxaanu ka codsanay inay dhanka waxbarashada naga taageeraan”.

 

Sidoo kale, safiirka ayaa isna sheegay inuu wax badan kala qaban doono Somaliland, isla markaana ka taageeri doonaan dhinaca horumarka iyo nolosha aasaasiga ah. Waxa kale oo uu sheegay inuu Faransiisku ka qaybqaadan doono maalgashiyo lagu sameeyo, isla markaana shirkadda Faransiiska ee Balore ee maamuladda dekadaha ay danaynayso inay maalgashato dekadda Berbera.

 

Madaxweynaha kulankan waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, wasiirada Arrimaha Dibeda, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim Cumar iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

 

- See more at: http://hiiraan.com/news/2014/Nov/wararka_maanta6-58960.htm#sthash.NGCt9Q5J.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this