Sign in to follow this  
Mooge

Fist fight in Villa Somalia. Ethiopia is siding with Qoslaye team

Recommended Posts

Mooge   

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno dhanka Villa somlia ayaa sheegaya in kulan caawa halkaasi ka dhacay uu sababay heer gacan ka hadal ah.

 

HALKAAN RIIX EE KA DHAGEYSO

Wararku waxa ay tilmaamayaan in kulan wada hadal ah oo Villa Somalia loogu qabtay Madaxweynaha dalka iyo Ra’isulwasaare C/weli, waxaana la soo warinayaa in kulanka banaanka looga saaray wasiiro iyo xubno ka tirsanaa Baarlamaanka oo loo aqoonsaday inay Ololinayaan Siyaasada adag ee xiligaan ka dhaxeysa labada mas’uul, waxa uuna kulanka noqday mid lagu kalakacay islamarkaana sababay gacan ka hadal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

War Deg Deg Ah:- Ethiopia Oo Qeyb Ka Noqotay Khilaafka MD Xasan Iyo C/weli Sheekh Iyo Warqad Canaan Ah Oo Lasoo Diray iyo Xarunta Villa Somalia Oo Caawa Kacsan…

October 26, 2014 - Waxaa Qorey : abdiwahab mohamed -

 

Wararka soo Gaaraya Goor dhow xafiiska warqabadka ee shabakada Allwarka ayaa sheegaya in Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka Ethiopia ay soo gaartay Xafiiska Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu soo waramayaa in Warqada ay ku qorantahay Amar ku socda Ra’isulwasaare C/weli oo ku aadan inuu ka laabto go’aanka uu Wasiir Faarax C/qaadir xilka uga qaaday, waxaana la Tilmaamayaa in warqadaasi ay Dowlada Ethiopia ku hor istaageyso Isku shaandheynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

HALKAAN RIIX EE KA DHAGEYSO

Nuqul kamid ah warqadaasi oo soo gaaray allwarka ayaa waxa ay uuuqornaa sida tan :

Dowlada Ethiopia marnaba uma dulqaadan doonto in xil ka qaadis ama bedel lagu sameeyo Faarax C/qaadir, haddii arrinkaasi aadan ka laaban waxa ay siyaasadu cagta la galeysaa mid ay Ethiopia kula laaban doonto kalsoonida ay u heyso Dowlada Somalia, waxan cadeyneynaa in Faarax C/qaadir uu yahay mas’uul kaalin ku leh hanaanka Siyaasadeed ee Somalia waana lagama maarmaan in Isku shaandheynta laga laabto, Faaraxna xilkiisii hore lagu soo celsho”

Waxaana Sidoo kale qoraalka warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Ethiopia ayaa waxaa kamid ahaa ”Ethiopia dano gaar kama laha Somalia balse waxaa sharaf u ah in Somalia dhowr sano kadib ay hesho dowlad lagu naalooda waana lama huraan inay la socto Siyaasadaha Somalia, Amniga iyo horumarka ka taagan Somalia”

 

 

Hadaba Warqadaani Qworaalka ah ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo Khilaaf baaxad wey uu xiligaani ka dhex taagan yahay Madaxweyne Xassan sheekh iyo Ra’isulwasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed, waxaana la Tilmaamayaa in sidoo kale ay jiraan Warqado kale oo kasoo kala baxay Ugandha, Jabuuti iyo Burund oo gabi ahaanba ku socda Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli kuwaasi oo la aaminsan yahay inay iyana ku qoran yihiin Canaan labada Mas’uul ku socta laguna doonaayo in lagu qaboojiyo Siyaasadaha kacsan ee xiligaani ka taagan Villa Somalia.

Waxaa la aaminsan yahay haddii uu sii socdo Khilaafka Labada Mas’uul inuu saldhigan doono bur-bur Dowladeed iyo inay lunto Kalsoonida Somalia kala dhexeyso dowladaha caalamka intooda kale.

Dhanka kale aqalka madaxtooyada ayaa caawa kacsan xaaladiisa iyadoo lagu soo waramayo in caawa la gudoonsiiyey lacago iyo baabuuro aan karin xabada kuwaasoo laga dalbay wadanka turkiga oo soo marin doona dalka imaaraatka carabta.

Iyadoo mooshinka ay kusoo biirtay dowlada itoobiya oo iyadu rabta in xilka laga qaado reysal wasaare c/weli oo siyaasad ahaan ay aad uga soo horjeedo, waxaana lagu heystaa reysal wasaaraha inaanu diyaar u aheyn inuu dhag jalaq usiiyo amarka dowlada itoobiya ee ku aadan inuu uhogaansamo madaxweynaha uuna si deg deg ah ula heshiiyo. Iyo inuujoojiyo isku shaandheynta uu kusameeyey Golaha wasiirada.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha warkaasi kala soco allwarka.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this