Sign in to follow this  
Tillamook

Isku Shaandheynta Xukuumada Federaalka iyo Doorashada 2016

Recommended Posts

Isku Shaandheynta Xukuumada Federaalka iyo Doorashada 2016

 

xasan-iyo-faarax

Raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed oo todobaadkan dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho kadib safaro dibada uu ku tagay ayaa markii ugu horeysay sameeyey isku shaandheyn qaar kamid ah Wasaaradaha Dowlada Federaalka.

 

Wasiirkii Dastuurka iyo Cadaalada ee Federaalka Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa loo wareejiyey Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, waxaana xilkiisii lagu wareejiyey Saalim Caliyow oo horay u hayey xilka Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

 

Sidoo kale qaar kamid ah Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru-dawlayaal ayaa xilalka loo kala wareejiyey waxaana kamid ah:

 

Maaliyada & Arrimaha Dibada

 

Cabdullaahi Sheekh Cali Qalloocow ayaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda.

 

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda iyo dhiirrigelinta maalgashiga waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan.

 

Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa loo wareejiyey Wasaarada Arrimaha dibadda iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga.

 

Waxaa xilkaas hada la wareegaya Burci Maxamed Xamse oo laga soo wareejiyey Wasaarada Arrimaha Dibadda.

 

Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga

 

Mahad Maxamed Salaad ayaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

 

Ganacsiga iyo Warshadaha

 

Fahmo Axmed Nuur ayaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha.

 

Isku shaandheyntan ayaa kusoo beegmaysa xili la hadal hayo in Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha Federaalka si weyn isugu khilaafsan yihiin hawlaha qaar kamid ah Wasaaraddaha xukuumada Federaalka.

 

Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa isku saandheyntan kusoo beegay xili ay socdaan hawlo muhiim ah oo saameyn ku yeelan kara Doorashada 2016.

 

Doorashada 2016

 

Wasaaradda Dastuurka iyo Cadaaladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday hawlo la xariira dhanka Dastuurka iyo waliba sidii Garsoorka loo hoos keeni lahaa wasaaradda arrintaasi oo ay ka dhalatay murran soo dhexgalay Guddoomiyaha Maxkamada sare iyo Wasiirka.

 

Waxaa jira warar sheegaya in xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ay si weyn xiligan ugu mashquulsan yihiin sidii loogu sii gogol xaari lahaa sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen hay’adaha la filayo inay ansixiyaan Baarlamaanka soo dooran doona hogaanka cusub 2016.

 

Arrintan ayaa la xariirta in ay sii yaraatay rajadii laga qabay in shacabka ay wax doortaan 2016.

 

Dastuurka

 

Waxaa sidoo kale socda dib u eegis lagu wado dastuurka Federaalka oo horey qodobo badan looga saaray arrintaasi oo keentay xiisado siyaasadeed oo caqabad ku noqday dhismaha maamulada gobalada.

 

xassanArrimahan ayaa loo aaneenayaa inay la xariirto xil wareejinta lagu sameeyey Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Cadaalada Faarax oo isagu kamid ah xubnaha laf dhabarta u ah xisbiga Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

 

Raysalwasaare Cabdiweli ayaa isbedaladan ku dhaqaaqay kadib markii Madaxweynaha isku afgaran waayeen habka loo maareenayo caqabadaha xukuumada Federaalka hortaagan.

 

Hussein Farah

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Wasaaradda Dastuurka iyo Cadaaladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday hawlo la xariira dhanka Dastuurka iyo waliba sidii Garsoorka loo hoos keeni lahaa wasaaradda arrintaasi oo ay ka dhalatay murran soo dhexgalay Guddoomiyaha Maxkamada sare iyo Wasiirka. Waxaa jira warar sheegaya in xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ay si weyn xiligan ugu mashquulsan yihiin sidii loogu sii gogol xaari lahaa sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen hay’adaha la filayo inay ansixiyaan Baarlamaanka soo dooran doona hogaanka cusub 2016. Arrintan ayaa la xariirta in ay sii yaraatay rajadii laga qabay in shacabka ay wax doortaan 2016.

 

damjadiid wants to stay and keep power forever. they are already laying foundation for that thing. until they are forcibly removed they will do their moves niyoow. Damjadiid now wants to target the Yuulka and we will see where that ends.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this