Sign in to follow this  
malistar2012

Gov of Somalia and Puntland Admin reach agreement sustainable stability close

Recommended Posts

Gov of Somalia and Puntland Admin reach agreement sustainable stability is close

 

Dowladda Federaalka iyo Puntland oo ku heshiiyay 12 qodob

 

 

yuulka-gaas-heshiis-1.jpg

Waxaa Duhurnimadii maanta magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay shir mudo afar maalin u socday wafdi Ra´iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia Cabdiweli Sheekh hoggaaminayay iyo Guddi uu madax u ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, shirkaasi oo gabagabadiisa laga soo saaray 12 qodob oo labada dhinac ay ku heshiiyeen.

 

 

Ra´iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Cabdiweli Gaas ayaa labada dhinac u kala saxiixay heshiisyadan, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wafuud beesha caalamka madaleysay, Ergayga Qaramada Midoobay iyo wakiilka Igad.

 

Qodobada labada dhinac ay isla garteen ayaa

 

1-Dastuurka iyo Arimaha Federaalka:

 

A-Dowlada Federaalku waxay ka garaabeysaa dooda Puntland ee ku aadan wax ka badalka dastuurka, waxaana lagu heshiiyey in arintaasi labada baarlamaan ay ka wada hadlaan, dowladdana ay fududeyso.

 

B- Dhamaystirka iyo Fulinta Dastuurka: Waxaa laysku raacay in la dedejiyo dhamastirka dastuurka iyo fulintiisaba iyadoo loo marayo sida uu qabo cutubka 15aad ee isla dastuurku.C- Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka Noqonaya Federaalka: in maamulka KMG ah ee gobolada Dhexe oo dowladda hoggaamineyso uu ka koobnaado gobolka Galguduud iyo koonfurta gobolka Mudug, sidoo kale waqooyiga Mudug wuxuu ka tirsan yahay Puntland.

 

D- Dhismaha Ciidamo Qaran oo Umadda ka Dhexeeya: qodobkaas waxaa lagu heshiiyey in loo raaco sida ku xusan heshiiskii Garowe [March 11, 2013]. Heshiiskaas oo ay wada saxiixeen Ra'iisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroleoo tibaaxaya dhismaha ciidan qaran oo isu dheeli tiran iskuna dhafan lagana kala keeno dhamaan gobolLada iyo degmooyinka dalka.

 

2- Heshiisyadii horay loo wada galay: labada dhinac waxay isla qaateen in heshiisyadii horay Puntland iyo Dowlada Federaalku u wada galeen ay waajib tahay in la fuliyo, maadaama heshiisyadii hore hirgeli waayeen waxaa heshiiska maanta la kala saxiixday iyo kuwii horeba fulintooda iyo daba galkooda loo xilsaaray gudi isku dhaf ah.

 

3- Heshiisyada horumarineed iyo kuwa caalamiga ah: waxaa lagu heshiiyey fududeynta heshiisyada noocaas ah iyadoo loogu dhaqmayo sida ku cad dastuurka qodobkiisa 53-aad.

 

4- Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah ee Lagu Helo Magaca Soomaaliya: gudiyada labada dhianc waxay ku heshiiyeen in si cadaalad ah loo qaybiyo dhammaan noocyada deeqaha magaca Soomaaliya lagu helo.

 

5- Hiigsiga 2016: maadaama aan weli wadatashi buuxa laga samayn waxa laga yeelayo hiigsiga sanadka 2016 iyo caqabadaha jira, Puntland iyo Dowlada Federaalku waxay ku heshiiyeen in arintaas si wadajir ah looga tashado qorshena looga yeesho caqabadaha jira.

 

6- Hantida Umadda Soomaaliyeed ee Dibada ku Maqan: In si cadaalad ah loo qaybsado handidada loo soo celiyo, iyadoo jidka loo marayaana noqonayo mid cad oo laga wada tashaday.

 

7-Aqoonsiga Shahaadada Dugsiga Sare Puntland: Qaab ahaan waxay u ekaaneysaa Shahaadada wasaaradda Waxbarashada Somalia, iyadoo lagu muujinayo astaanta Dowladda Federaalka waxaa sidoo kale ka muuqata magaca Wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxay sidoo kale Dowladda aqoonsan tahay Shahaadada lagu heshiiyay, waxayna u gudbineysaa Dowladda Sudan iyo cidii kale ee loo baahdo in loo caddeeyo in puntland qaato imtixaan mideysan oo DF aqoonsan tahay.

 

8-Isu dheelitirka jagooyinka Dowladda Federaalka magacaabeyso: in Dowladda federaalka soo magacowdo saraakiisha ciidamada, Diblumaasiyiinta, gudiyada madaxa banaan iyo shaqaalaha rayidka ah, loona qeybsado si cadaalad ah, iyadoo la isku waafaqay in haweenka saami fiican la siiyo.

 

9-Hantida la kala haysto: waxaa lagu heshiiyay in arintaasi loo fuliyo sida ku cad heshiiskii 11 marso 2013, ee leh waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in dowladda federaalka dedejiyo isu celinta hantidada gaar ahaaneed si loo helo dib u heshiisiin dhab ah, iyadoo loo magacaabayo guddiyo heer qaran ah oo madax bannaan go´aanadiisa leh awood gaar ah.

 

10-Qaabka wadashaqeynta Dowladda iyo Puntland waxaa la isla qaatay sida ugu wanaagsan ay iskula shaqeyn karaan inay tahay.

A-kor u qaadista kalsoonida iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland, in la xoojiyo xiriirka la isna dhaafsado booqashooyin labada dhinac lana ilaaliyo baratakoolka dowliga ah.

 

B-In la dhiirigeliyo wadashaqeynta hay´addaha kala duwan ee dowladda federaalka iyo Puntland.

 

C-In la dhaqan geliyo dhamaan heshiisyadii dhex maray dowladdigii KMG ahaa iyo Puntland, wixii aan ka hor imaaneynay dastuurka.

D-Ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka.

 

E-In laga hortago wax kasta oo wax u dhimi kara xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, wixii tabasho ahna lagu xaliyo wada hadal.

 

11-Qodobada iyo ajandayaasha aan ku jirin heshiiskaan ee Puntland soo gudbisay waxaa lagu heshiiyay in fadhiyada kale looga hadlo.

 

12-Heshiiskaan wuxuu soo afjarayaa wixii khilaafaad ahaa ee u dhaxeeyay labada dhinac, wuxuuna daah furayaa is afgarad, wada shaqeyn toos ah iyo iskaashi lagu xaqiijinayo danaha qaranka Soomaaliyeed iyo horumarinta geeddi socodka nabadda Dowladda Federaalka iyo heer Dowlad goboleed.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malistar,

 

Thanks for sharing the news, but I was hoping you'd share with us what your thoughts are about this agreement, signed between The Puntland State of SOMALIA and the Federal Government of SOMALIA?

 

Also, please opine upon what impact-- if any-- that it could have on the "fad ama ha fadin, waa lagu fadsiin" philosophy you were so keen on championing?

 

Thanks!

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Malistar,

 

Thanks for sharing the news, but I was hoping you'd share with us what your thoughts are about this agreement, signed between The Puntland State of SOMALIA and the Federal Government of SOMALIA?

 

Also, please opine upon what impact-- if any-- that it could have on the
"fad ama hae fadin, waa lagu fadsiin"
philosophy you were so keen on championing?

 

Thanks!

 

 

The agreements are step forward it highlights the need for the Gov of Somalia and Puntland state admin to work together respect protocol - create joint Arm force - Police force through out the country all regions will have the same agreement .

 

The Impact will be great on the ground Somali Gov seen as entity that can reconcile with its people and federal states ... Now that the Gov represent every region its time the UN lifts Arm embargo so that Somalia Army can take over be responsible for the security of Nation..

 

Baydhabo2%2014.jpg

 

 

 

Somali Gov mandate is to complete federal states the process are moving in Good paced -

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

lol @ " we are cutting off the ties with the federal government but especially the office of the prime minister :D

 

"Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin" has spoken! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

So what does this group want? I am sure I am missing something.

If the agreement says north Mudug belongs to its people and south Mudug belongs to its people. what is the issue?

They do not want Hobyo and Xaradheere to join Puntland but they want Galkacyo, Galdobog, Jariiban and Xafto in Puntland to join them. is that the logic?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaybdiid is using old tricks to deal with new problems. You would think knowing what Puntland was about to do, he would play his hand first and play it well. Both IC and The Federal Government [though the President is not happy about it] have endorsed the deal.

 

The Somali Parliament have indirectly endorsed it and the Speaker will go to Garowe sometime this month. Though I don't like some of the things Puntland have done, I must admit they are better at politics than the rest, at the very least, they eventually get their way though that can sometimes come at the expense of the nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

I see what you are saying, but I am having trouble following the logic of his argument.

There is a reason why he is based in Mogadishu and all his press releases are coming from there and not from Galkacyo. it is one thing to make a claim for a city which is in the hands of another administration 95% and more but no make a claim for a whole region ... that is modern madness.

 

I never heard Puntland claiming the nus-xaafad in Galkacyo resided by people of Galmudug so why is that not clear to this gentleman?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo Dhaweeyay Heshiiskii Dhex Maray Dowlada Soomaaliya iyo Puntland

 

 

Madaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud.jpg

Published on October 16, 2014 by Cilmi Waare · No Comments · 1,430 views

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Xaan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay saxiixa heshiiskii dhex maray dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland,kaasi oo dhigayay in dib loo soo celiyo xiriirka labada dhinac iyo in si wada jir ah looga shaqeyo sidii loo dhisi lahaa dal federal ah.

 

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu mahad celiyay looguna hambalyeyay cid kasta oo gacan ka geysatay saxiixa heshiiskaasi.

 

“Waxaan soo marnay sanado badan oo dhib badan,wada hadal dhex mara soomaalida ayaa ah wadada horey loogu socon karo,taasi oo xaqiijineysa Soomaaliya oo nabad ah islamarkaana degan”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

“Waxaan aqoonsanahay guusha ay Puntland gaartay 16-kii sano ee la soo dhaafay,iyadoo xoojisay,islamarkaana dhistay hay’ado awood leh,Puntland wax badan ayey ka geysan kartaa dhisidda Soomaaliya oo awood leh,dimoquraadi ah,islamarkaana mideysan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay horumar weyn laga sameeyay siyaasada Soomaaliya,laakiin loo baahanyahay in wax badan la qabto.

 

Madaxweynaha ayaa yiri“ Hiigsiga sanadka 2016 waxaa qeyb ka ah arrimo badan oo wax ka bedeli doono siyaasada Soomaaliya,todobaadyada soo socda waxan rajeynayaa in horumar laga sameyn doono qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sameynta gudiga xuduudaha iyo federaalka iyo gudiga doorashooinka”.

 

“Waan in aan taageernaa dhismaha u ogolaanaya dowlada federaalka ah in ay sii wado gaaritaanka maamulada KMG ah,iyadoo loo marayo wada hadal,xili uu sii socdo sameynta maamulada federaalka ah,waxaan rajeynayaa in la dardar galin doono howsha dib loogu eegayo hirgalinta dastuurkena federaalka ah,maadaama sanadkan 2016 isku diyaarineyno doorashooyin loo dhanyahay” Ayuu yiri madaxweynaha.

 

Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay maanta dal ahaan waxaan horey u qaadnay talaabo wanaagsan,waxaana codsanayaa in aan garbaha is qabsano si aan u dhisno mustaqbal wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this