Sign in to follow this  
Mooge

Puntland orders all airlines to stop flights to Galmudug and they all abide

Recommended Posts

Mooge   

no nonsense. there will be no mercy anyone who tries to land in any airport in Galmudug. qaybdiid's little bandiiradley in the heart of Galmudug is shutdown and he was forced to go to Ximan Xeeb and Cadaado.

 

 

Mid kamid ah hogaamiyayaasha sheegta Madaxweynaha Galmudug ayaa ku eedeeyey Cabdi Qeybdiid in hub uu ka keenay Muqdisho soo geliyey koonfurta Gaalkacyo.

 

Maxamuud Cabdi Timo-Kalajeex oo isagu sheegta inuu yahay Madaxweynaha Galmudug ayaa horaantii sanadkan sheegay in ay kasoo horjeedaan dhaq dhaqaaqa uu Cabdi Qeybdiid ka wado koonfurta Gaalkacyo.

 

“….Dooni meyno in kooxihii ka haray Maxaakiimta iyo Al Shabaab oo kaashanaya Qabqablayaal-dagaal ay dagaal ka abuuraan Galmudug…”ayuu yiri Maxamuud Cabdi Timo-Kalajeex oo kamid ah hogaamiyayaasha Galmudug.

 

Xiisada ka taagan hogaanka Galmudug ayaa muddo dheer soo jiitameysay iyadoo bishii Feberaayo ee sanadkan uu hogaamiyahan baaq uu soo saaray ku shaaciyey in hub aruursi uu koonfurta Gaalkacyo ka wado Cabdi Qeybdiid.

 

Maleeshiyaadka ka amar qaata Timo-Kalajeex ayaa jidka u galay Cabdi Qeybdiid iyo kolonyo gaadiid ah oo kasoo gelbisay magaalada Cadaado oo uu shalay kasoo degay. Maleeshiyaadkan ayaa duleedka Gelinsoor ka celiyey gaadiidkii Cabdi Qeybdiid iyadoo iska horimaad halkaasi ka dhacay keenay khasaaro labada dhinac ah.

 

Halkan ka daawo Timo-Kalajeex oo Bishii Feberaayo cambaareenaya Cabdi Qeybdiid

 

 

 

Maleeshiyaadka ka amar qaata Timo-kalajeex ayaa gacanta ku haya isbaarooyin yaal deegaanka Gelinsoor ee koonfurta Mudug.

 

Baaq Odayaasha Koonfurta Mudug

 

Baaq kasoo baxay qaar kamid ah odayaasha iyo culumaa’udiinka kasoo jeeda koonfurta Mudug ayaa shalay mar ay la hadleen idaacadaha laga dhageysto Gaalkacyo ugu baaqay shacabka inay nabada ka shaqeeyaan.

 

00:0000:00

“…Shacabka Nabada ayaa u muhiim ah dooneymayso dadka dagaalka abaabulaya ama hadalada xiisada baahinaya, kuwaasi marka ugu horeysa ayey cararaan oo ay qaxaan marka dhibaato dhacdana ma keeni Karaan wax xal ah….” Ayuu yiri Shiikh Cabdiraxmaan Salaad Diirshe oo kamid ah culumaa’udiinka shacabka kala hadlay warbaahinta Gaalkacyo.

 

Xayiradii Puntland ee Cabdi Qeybdiid

 

Qeybdiid-Cadaado2

 

Cabdi Qeybdiid oo isagu Dowlada Federaalka u aqoonsan tahay hogaamiyaha Galmudug ayaa shalay kasoo degay Airporka magaalada Cadaado kadib markii Dowlada Puntland diiday in diyaaradii siday kasoo degto Airpor macmal ah oo ku yaal meel 10km u jirta koonfurta Gaalkacyo.

 

Dowlada Puntland ayaa ku eedaysay Cabdi Qeybdiid inuu muddooyinkii lasoo dhaafay hub kasoo dajinayey Garoonka macmalka ah ee ku yaal deegaanka Bandiiradley ee koonfurta Gaalkacyo.

 

Puntland ayaa u sheegtay dhamaan shirkadaha diyaaradaha inaysan adeegsan Karin garoonkaasi macmalka ah hadii kalena ay lumin doonaan shatiga ay uga shaqeeyaan Airporada ay dowlada Puntland maamusho.

 

Go’aanka Puntland ayaa waxaa si weyn uga horyimid Cabdi Qeybdiid oo sheegay in dacwadooda u direen Federaalka iyo Beesha Caalamka.

 

Qeybdiid ayaa muddo 3 maalmood ah oo ku ekayd maalinimadii Arbacada 24kii September u qabtay beesha Caalamka iyo Federaalka inay xal ka keenaan go’aanka Puntland, isagoo ku goodiyey in ay qaadi doonaan tilaabo ka dhan ah Puntland.

 

Inkastoo ay dhamaatay wakhtigii uu qabtay Cabdi Qeybdiid Ayaan hadana waxna iska bedalin go’aankii Puntland iyadoo dhamaan shirkadaha Duulimaadka ay u hogaansameen amarkii kasoo baxay dowlada Puntland. Shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay inaysan tagi doonin airporka macmalka ah ee Cabdi Qeybdiid furay, iyagoo sheegay inaysan dooneyn inay dhumiyaan shatiga ama macaamiishooda Puntland.

 

Qeybdiid-Cadaado1

 

Cabdi Qeybdiid ayaa shalay ku khasbanaada inuu diyaarad u qaato Airporka Cadaado oo isagu ah mid in muddo ah shaqeenayey. Balse Qeybdiid ayaa hada caqabad ka heysataa maleeshiyaadka kasoo horjeeda ee uu hogaamiyo Timo-Kalajeex oo sheegay inuusan wadada soo mari Karin iyagoo ku eedeeyey inuu doonayo inuu hub soo geliyo koonfurta Gaalkacyo si uu awood u adeegsado kooxaha ku loolamaya hogaanka Galmudug.

 

Xiisada ka taagan Koonfurta Gobalka Mudug ayaa sii xoogeysatay tan iyo intii ay dowlada Federaalka sheegtay inay maamul u sameyn doonto gobalada Mudug iyo Galgaduud.

 

Dhismaha maamulkaasi ayaan weli lagu heshiin isla markaana waxaa jira loolan hoose oo u dhaxeeya garabyada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna waljamaaca oo dhamaantood doonaya inay hogaanka u qabtaan maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this