Sign in to follow this  
malistar2012

Somali Gov halts Operation to give Amnesty more time as more Alshabab surrend

Recommended Posts

Somali Gov halts Operation Indian ocean to give Amnesty more time as more Alshabbab are surrendering .

 

8_Seb_2014W.jpg

 

Howlgalkii loogu magac daray Badweynta Hindiya ee Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ka wadeen qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku ku yimid hakad.

 

C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo ah gudoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa ka waramay sababaha keenay hakadka ku yimid howlgalka badweynta India ee Al-shabaab looga saarayey degaanada ay weli joogaan.

 

Siidii ayaa sheegay in howlgalkaas la hakiyey ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay codsadeen in dagaalka la hakiyo si ay isku soo dhiibaan kooxdaasna uga soo baxaan.

 

“Waxay noo sheegeen in haddii dagaalku sii socdo aysan heleyn fursad ay isku soo dhiibaan iyo meelo ay soo maraan sidaas awgeed ayaan joojinay waxaana ku saleynay go’aankii golaha wasiirada ee ahaa in 45 cisho ay isku soo dhiibaan xoogaga Al-shabaab hadda 10 cisho ayaa baxday, waxana haray 30 cisho” ayuu yiri Siidii.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ay maalmihii ugu dambeeyey iska soo dhiibeen ilaa 300 dagaalyahan oo uu ku jiray sarkaal uu magaciisa ku sheegay Shiikh Xuseen wuxuuna xusay iney si wanaagsan u soo dhoweeyeen.

 

Howlgalkii loogu magac daray badweynta India ayaa hakaday tan iyo markii 1-dii bishan dayuuradaha keligood iswada ee Maraykanku ku dileen Hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Godane.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab Militant are surrendering by Hundreds to the Somali Gov following the 45 days Amnesty Offer ....

 

ciidamada_Al-shabaab_oo_Dowladda_isku_dh

 

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka Gobolka Hiiraan

by A M | Monday, Sep 29, 2014 | 812 views

 

 

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ay labadii maalmood ee la soo dhaafay isku dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaas

 

Taliye kuxigeenka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Faarax C/llaahi Faarax ayaa sheegay in tirada guud ee isa soo dhiibtay todobaadyadii u dambeeyay ay gaarayeen ilaa 28-xubnood oo qaarkood hubkooda watay.

 

Taliye kuxigeenka ayaa sheegay in shalay kaliya ay isa soo dhiibeen sagaal xubnood oo 8 ka mid ah ay iska dhiibtay degmada Buulo Burde, halka midka kalena uu Beledweyn iska soo dhiibay.

 

“Waxaa labadii maalin isa soo dhiibay ilaa sagaal ruux, sideed ka mid ah Buulo Burde ayay iska dhiibeen, midka kalena wuxuu iska dhiibay Beledweyn, waxaa geynay xerooyin loogu tala galay oo ah in lagu dhaqan celiyo”ayuu yiri Taliye kuxigeenka Nabadsugida Gobolka Hiiraan

 

Waxaa uu sheegay in cafiska dowladda u fiday dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab ee ah mudada 45-cisho ay keentay inay ka faa’ideystaan, isla markaana ay dhalinyaro badan ka soo goostaan sida uu yiri.

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa dhowaan sheegay in boqolaal ka mid ahaa Al-Shabaab ay u diyaarsan yihiin inay todobaadyada soo socda inay isku soo dhiibaan dowladda.

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowaan muddo 45 cisho u qabatay inay uga faa’ideystaan cafis ay dowladda u fidisay dhalinyarada Shabaab u dagaalama, si ay isku soo dhiibaan mudadaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this