Sign in to follow this  
Mooge

Construction engineers for the Garowe Airport and Maakhir University arrive

Recommended Posts

Mooge   

Keep it moving niyoow. Puntland is setting the standard for self-reliance and rebuilding. We have to do what we can for ourselves without AMISOM, Turkey and other cash providers. Taxation, resource utilisation and diaspora donations will move progress forward niyoow. We have to rely on ourselves.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Injineerada Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe iyo Jaamacada Maakhir Baran oo Soo Gaaray Puntland

 

Waxaa soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Laba Injineer oo ka socday Shirkadda NARCO oo ay Kuweyt Fun u xilsaartay nashqadeynta iyo ilaalinta Airporka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir badhan.

 

Xubnahan Injineerada ah oo lagu kala magaacbo ENG/DR Rami Chehade, ENG Maher Helal,waxaana Puntland gaar ahaana magaaladda Boosaaso kusoo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax.

 

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax oo Saxaafada uga waramay Imaatinka Puntland ee labada Injineer ayaa ku tilmaamay guul iyo farxad usoo hoyatay Puntland maadaama ay sidaan nashqadii u noqon lahaa Airporka Garoowe iyo Jaamacada Maakhir Badhan.

 

Ujeedada ayaa ah iney la wadaagaan Nashqada ay wadaan Shacabka iyo Madaxda Puntland si dhaqaalaha ay bixisay Kuweyt Fun loogu filneynsiiyo Airporka Garoowe iyo Jaamacada Maakhir Badhan.

 

…..””Maanta waxa ay wadaan Airporka nashqadiisii iyagoo raba iney la wadaagaan ra’yigooda reer Puntland haddii dhaqaalaha ama nashqada wax ka bedeli lahaayeen,Insha allah waxan Jeclahay in bilaha soo socda uu AIRPORKA iyo Jaamacadu bilaaban doonaan…..”’ayuu yiri.

 

Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay diyaarinayeen nashqada qurux badan oo ay yeelan doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe iyo Jaamacada Maakhir Badhan,wuxuuna intas ku daray iney la kulamayaan Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

 

FAYSAL HAWAR oo ah Kuxigeenka Madaxa Mashruucan ayaa qorshaha Injineeradu yahay iney sharaxaan qaabka (Design-ka) Airporka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan si loogu gudbo wajigii 2aad ee ahaa qandaraaska.

 

ENG/DR Rami Chehade ayaa isna dhankiisa sheegay iney doonayaan in la tashi kala sameeyaan Madaxda Puntland qaab- dhismeedka Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe iyo Jaamacada Maakhir ee Badhan ,sidoo kale wuxuu sheegay in hawshan lagu guuleysan doono.

 

Wafdiga Injineerada ah ee ENG/DR Rami Chehade, ENG Maher Helal ayaa u socdaalay magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland si nashqadaha ay wadaan la tashi ugala sameeyaan Madaxda Puntland iyo Shacabkaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this