Sign in to follow this  
malistar2012

Somali President in Kismayo for Reconciliation Conference - See more at: http://

Recommended Posts

unnamed-5.jpg

 

 

Mogadishu (HAN) September 16, 2014 – Public diplomacy and regional security news. A high level delegation of Federal government led by the Somali president arrived in Kismayo. Sources told Geeska Afrika Online to secure regional tensions. The purpose is to strengthen economic and political ties between Kismayo and Mogadishu.

 

Somali president Hassan Sheikh Mohamoud is expected to officially open the reconciliation conference for Jubba communities in Kismayo, the provincial capital of Lower Jubba region on Tuesday.

 

Somali government officials, representatives from IGAD, traditional elders and members of civil society groups in Lower Jubba, Middle Jubba and Gedo regions are all expected to attend the reconciliation conference.

 

A delegation led by Somali president Hassan Sheikh Mohamud arrived in Kismayo, the provincial capital of Jubba region ahead of the opening of the Jubba reconciliation conference.

The president and his delegation are expected to attend the opening ceremony of the reconciliation conference for Southern Somali communities conference.

 

The president and his delegation were received at the airport by the leader of the Interim Jubba Administration Ahmed Mohamed Islam Madoobe, the Vice president Abdulqadir Lugadheere, AMISOM officers, Somali ministers, IGAD officials and Business leaders.

Shortly after his arrival in Kismayo, the president and his delegation were escorted to the conference venue in Kismayo.

The security of the city has been heightened by Interim Jubba Administration security forces with the help of African Union forces in Somalia.

-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daawo Sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta furay shirweynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka

by A M | Tuesday, Sep 16, 2014 | 355 views

 

unnamed-10.jpg

 

 

Madxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirweynaha dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ee magaalada Kismaayo.

unnamed1.jpg

 

Shirweynaha waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socdey beesha caalamka. Shirkan oo ay hormood ka tahay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka una matalayaan 13 xubnood oo isugu jira saraakiisha sarsare ee Wasaarada iyo Gudiga dib-u-heshiisiinta qaran. Xubnaha wasaaradda ka socda waxa uu waajibkoodu yahay in ay hubiyaan habsami u socodka shirwaynaha iyo in uu noqdo mid loo dhan yahay.

unnamed-11.jpg

 

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka shirweynaha dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka ayaa marka hore u mahad-celiyey ergooyinkii shirka ka soo qeyb-galay iyo maamulka KMG.

 

unnamed-8.jpg

 

“Maanta waxaa halkaan ka furmay shir dib u heshiisiin, dib u heshiisiintu waxay ku timaadaa dadka oo quluubtooda la isku xiro. Wado dheer ayaa la soo maray, waxaa lagu soo jiray howlo dhib-badan, waxaase mahad ilaahey ah inaan maanta halkaan nimid. Sidaad ogtihiin maamul oo dhan waxuu ku soo dhamaadaa talada dadka meesha ay ka go’do, sidaan waxay ku suurowday in maamul jiro, intaan iyo in ka sii qurux badanna waan rajeyneynaa” ayuu yiri Madaxweynaha

 

unnamed-9.jpg

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shirka lagu soo biiriyo cid walba oo tabasho qabta “Shirkaan waxaan ka rajeyneynaa in inta haatan fadhiisa laba jibaarkeeda in ay ku soo biiri doonaan inta uu socdo, maamulka KMG ee Jubbana waxaan ka rabnaa in ay dadka wax tabanaya la soo dhaweeyo laguna soo biiriyo shirkan, Guusha maamulka hadba waxay ku xiran tahay inta aan yareyo tabashada, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta maamulka Jubba dulqaadka iyo gaabiska badan ay u muujiyeen inta wax tabaneyso”

 

“Dowladda Federaalk waa idinla joogeysaa oo waa fududeyneysaa shirka waxaana ka go’an in meeshaani maamul ka dhismo kaas oo u adeega dadka degan gobollada Jubbooyinka gacana ka geysta dib u dhis guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday dadka degan gobollada Jubbooyinka inay isku dulqaataan “Wax kasta oo bilaawmaa boqoliikaba boqol sax kuma bilaawdaan ee waa in la isku dulqaataa, waa inaan dhadhansanaa wax noo qabsoomay, xoogeena iyo xoolaheenna aan iskugu geyno sidii wax badan noogu qabsoomi lahaayeen”

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabal dhicii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A working Government in Action well done to The SFG Reconciliation and state building are moving in a significantly Good paced .

 

unnamed-10.jpg

 

 

 

 

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shirka lagu soo biiriyo cid walba oo tabasho qabta “Shirkaan waxaan ka rajeyneynaa in inta haatan fadhiisa laba jibaarkeeda in ay ku soo biiri doonaan inta uu socdo, maamulka KMG ee Jubbana waxaan ka rabnaa in ay dadka wax tabanaya la soo dhaweeyo laguna soo biiriyo shirkan, Guusha maamulka hadba waxay ku xiran tahay inta aan yareyo tabashada, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta maamulka Jubba dulqaadka iyo gaabiska badan ay u muujiyeen inta wax tabaneyso”

 

“Dowladda Federaalk waa idinla joogeysaa oo waa fududeyneysaa shirka waxaana ka go’an in meeshaani maamul ka dhismo kaas oo u adeega dadka degan gobollada Jubbooyinka gacana ka geysta dib u dhis guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

jwrb1.jpg

 

 

 

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa dadaalka faraha badan ee ay geliyeen sidii bulshadan is faham loo dhex dhigi lahaa waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Xukuumaddu ay si buuxda u garab taagan tahay qabashada shirkan oo natiijadiisu ay noqon doonto ugu dambeyn dhisidda maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo ay yeeshaan gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose.

 

 

 

shirka maamul usameynt gobolada dhexe ee bartamaha Soomaaliya.

 

DSC07070.jpg

 

DSC08666.jpg

 

Wufuuda oo isugu jiray masuuliyiin katirsan dowlada goboleedka Ximan iyo Xeeb saraakiil sar sare oo ka socota dowlada federaalka ee Soomaaliya iyo xubna katirsan masuuliyiin tii hore ee dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb Sida Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey oo ahaa afhayeenkii hore ee Ximan iyo Xebe iyo C/raxmaan shaati cadde madaxweyne ku sigeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb ayaa garoonka diyaarahada ee cadaado waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tisan Ximan iyo Xeeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay Xafiis ka furaneyso Kismaayo

by A M | Wednesday, Sep 17, 2014 | 697 views

 

 

unnamed-11.jpg

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradiisa qorsheyneyso sidii ay Xafiis cusub uga furan laheyd magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka KMG ah ee Jubba.

Mr Goodax oo ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa sheegay inuu go’aan ku gaaray in xafiiska wasaaradiisa ka furaneyso Kismaayo uu noqdo mid isku xira Maamulkaas iyo dowladda dhexe iyo sidii shacabka Jubooyinkana uga heli lahaayeen wixii adeeg ah ee ay wasaaradu heyso, iyagoo aanan u baahan doonin inay u soo safraan Caasimada Muqdisho.

 

“Xafiiska cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dhowaan ka furan doonto Kismaayo wuxuu shacabka deegaanada u sahli doonaa in wixii howl ama adeeg uga baahdaan inuu u fuliyo, bedelkii ay magaalada Muqdisho u soo safri lahaayeen”ayuu yiri Mr Goodax

 

Waxaa uu sheegay in 13-ruux oo howl wadeeno qibrad leh ay ka howl geli doonaan xafiiska cusub ee magaalada Kismaayo, isagoo cadeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badana ay xafiis uga furan doonaan Gobolada Jubada Dhexe iyo Gedo.

unnamed-8.jpg

 

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqay Maamulka KMG ah ee Jubba inuu gacan ka geysto furitaanka xafiiska cusub iyo sidii uu uga shaqo bilaabi lahaa magaalada Kismaayo.

 

Shirweynaha dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo ayaa galay maalintii labaad, iyadoo shirkan la filayo inay ka soo baxaan qodobo la xiriira sidii maamulka Jubba loo dhameystiri lahaa, isla markaana beelaha goboladaas ay mid uga noqon lahaayeen maamulkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this