Sign in to follow this  
Mooge

Barre Hiiraale rejects peace again after HAG convinces him to not give up

Recommended Posts

Mooge   

Barre Hiiraale oo diiday ka Qayb-galka Shirweynaha ka Furmaya Kismaayo

September 15, 2014 - Written by editor24

Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay maanta inuusan ka qaybgalayn shirka dib u heshiisiinta Kismaayo oo lagu wado in uu maalin kaddib ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Shir jaraa’id oo Col. Barre Hiiraale uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in lagu wargeliyay in shirkii dib u heshiisiinta Kismaayo ee uu horay u aqbalay dib loo dhigay, isagoo shirka Kismaayo ka furmaya 16-ka bishan Kismaayo ka furmaya uu yahay mid ay wataan urur-goboleedka IGAD iyo Maamulka Jubbaland.

 

“Anigu waxaan aqbalay in shir dib u heshiisiineed oo Kismaayo lagu qabto si colaadda loogu bedelo nabad iyo wadahadal, balse shirkan waxaan u arkay inuu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed iyo in laga aamin-baxoo dowladd… waana taas tan aan ku diidnay ka qaybgalka shirka,” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale.

 

“Qabashada shir dib u heshiisiineed ma diidani anigu, balse waxaan rabaa in shirka uu u dhaco sida ay dowladdu u qorsheynayso, waxaana heshiiska aan kaga qaybgalayo shir dib u heshiisiineed oo la qabto, sidoo kalena waxaan ka aqbalay wasiiraddii dowladda ee Goobweyn iigu yimid. Waxaana innagu difaacaynaa waa in shirka aan la marin-habaabin,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Barre Hiiraale.

 

“Innaga waxaa noo muuqata gardarro inay jirto… mana yeelayno, waxaa ogolahay in shirka la mariyo nidaamkii lagu yiqiinnay shirarka dib u heshiisiinta ah ee waddanka ka dhici jiray lana joojiyo marin-habaabinta,” ayuu mar kale yiri.

 

Col. Barre Hiiraale oo muddo sannad ka badan isaga iyo ciidan taabacsan ay ku sugnaayeen deegaanka Goobweyn kuwaasi oo diidana Maamulka Hana qaaday ee Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow Barre wants to die just like Eideed. ninka malagisi ba galay niyoow. he knows he will not win a war against Jubaland admin so why does he have to listen to these instigators who keep telling him don't give up. lol. he chose peace and came to mogadishu and qoslaye told him to reverse his decision.

 

i say Jubaland government should put him in jail and finish him off

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this