Sign in to follow this  
Che -Guevara

Reconciliation For South West

Recommended Posts

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Faah Faahin Ka Bixiyey Shirka Dib U Heshiisnta Berri Baydhabo Ka Furmaya

Baydhabo [RBC Radio] Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Baydhabo ku sugnaa maalmahan ayaa faah faahin ka bixiyey shirka dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed oo maalinnimada berrito ah ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka gobollada Koonfur Galbeed haduu Alle idmo si rasmi ah ayuu u furmi doonaa maalinnimada berrito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14ka September-2014,waxaa shirka ka qeybgali doona ergo ka kala socota gobolladan oo hada Baydhabo ku sugan,Ajandaha ugu horeeyana waa in dib u heshiisiin ballaaran,is cafin iyo isku calool fayoobi ay gaaraan guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed”.

Shir weynaha dib u heshiisiinta Shacabka gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo socon doona mudo 45 cisho ah oo ka bilaabineysa maalinnimada berrito ah ayaa wejigiisa Koobaad waxa uu ku saabsan yahay Dib u heshiisiin guud,is cafin, wejiga Labaad ee shirkana waxa uu noqonayaa in la mideeyo aragtiyooyinka kala duwan ee ku saabsan dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, halka wejiga Seddexaad ee ugu dambeeyana uu yahay in la gudagalo dhismaha maamulka KMGka koonfur Galbeed.

Munaasabadda furitaanka Shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed waxaa kasoo qeybgalaya berri hadii uu Alle idmo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,Xildhibaanno,Odayaasha Dhaqanka iyo marti sharaf kale waxaana qabashada shirkan aragti mideysan kusoo dhaweeyey maanta Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

___

RBC Radio

http://somali.raxanreeb.com/2014/09/guddoomiyaha-baarlamaanka-soomaaliya-oo-faah-faahin-ka-bixiyey-shirka-dib-u-heshiisnta-berri-baydhabo-ka-furmaya/

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa soo dhaweeyay shirka maanta ka furmaya Magaaladaasi.

download.jpg

Madoobe Nuunoow Maxamed oo la hadlayay warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in shirka maanta ka furmaayo Magaalada Baydhab uusan aheyn mid quseeya arimaha Siyaasada ee ka taagan Magaalada Baydhabo, isaga oo ku nuux-nuuxsaday inuu yahay shirkaasi mid lagu xalinaayo khilaafka ka dhex-taagan dadka dega Goboladaasi.

Hogaanka Maamulka lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sidoo kale ku waramaayo inay soo dhaweynayaan shirkaasi hadii ay yihiin masuuliyiinta maamulka Lixda Gobol, wax fiicana ay tahay in shirkaasi la qabto.

Inkastoo uusan kala cadeyn Madoobe Nuunoow Maxamed inay ka qaybgalayaan shirkaasi iyo inkale, ayaa wuxuu sheegay in wax muhiim ah ay tahay in Odayaasha Digil iyo Mirifle ee is khilaafsan in la xaliyo.

Sidoo kale Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa taageeray dadaalada nabadeed ee Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka wado Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

“Waxaan soo dhaweynaynaa dadaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka wado Magaalada Baydhabo, waa wax aad loogu farxo, Shirka Baydhabo ma’ahan mid quseeya Siyaasad iyo arimaha ku aadan Maamulada lixda Gobol iyo saddexda Gobol, sidoo kale ma’ahan shir saameyn ku yeelanaayo Hay’adaha Dastuuriga ee maamulkaasi”Ayuu yiri Madoobe Nuunoow Maxamed.

Waxaa la dhowrayaa natiijada kasoo baxda shirkaan oo socon doono muddo bil iyo bar ah, waxaana maanta lagu wadaa inuu daah-furo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

Ra’iisul Wasaare C/wali oo gaaray magaalada Baydhabo iyo shirka dib u heshiisiinta oo furmay

by A M | Sunday, Sep 14, 2014 | 215 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo uu ka fumay shirka dib u heshiisiinta ee lagu dhisayo Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Shirkan oo uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, bulshada iyo maamulada iska soo horjeeda ee ku dhawaaqay Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare C/wali ayaa la filayaa inuu shirkan furo, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo muddo labo todobaad ku sugan Baydhabo uu dadaal ugu jiro, sidii uu lagu dhameyn lahaa kala aragti duwanaanshaha ka taagan Maamul u sameynta Koofur Galbeed.

Lama oga inta uu socon doono shirkan dib u heshiisiinta ee lagu dhameynayo khilaafka xaga maamulka ee ka taagan Gobolada Koofureed.

Xubnaha Maamulka Lixda Gobol ayaa ka biya diidanaa maamulka saddexda gobol ee dowladdu aqoonsatay, waxaana dhowaan uu natiijo la’aan ku dhamaaday kulan ay yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Maamulka lixda Gobol.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo isugu jira Boolis, Milateri iyo Ciidamada AMISOM la dhigay wadooyinka.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaare C/wali oo gaaray magaalada Baydhabo iyo shirka dib u heshiisiinta oo furmay

by A M | Sunday, Sep 14, 2014 | 215 views

cabdi-wali2.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo uu ka fumay shirka dib u heshiisiinta ee lagu dhisayo Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Shirkan oo uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, bulshada iyo maamulada iska soo horjeeda ee ku dhawaaqay Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare C/wali ayaa la filayaa inuu shirkan furo, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo muddo labo todobaad ku sugan Baydhabo uu dadaal ugu jiro, sidii uu lagu dhameyn lahaa kala aragti duwanaanshaha ka taagan Maamul u sameynta Koofur Galbeed.

Lama oga inta uu socon doono shirkan dib u heshiisiinta ee lagu dhameynayo khilaafka xaga maamulka ee ka taagan Gobolada Koofureed.

Xubnaha Maamulka Lixda Gobol ayaa ka biya diidanaa maamulka saddexda gobol ee dowladdu aqoonsatay, waxaana dhowaan uu natiijo la’aan ku dhamaaday kulan ay yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Maamulka lixda Gobol.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo isugu jira Boolis, Milateri iyo Ciidamada AMISOM la dhigay wadooyinka.

Share this post

Link to post
Share on other sites

jwrb1.jpg

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Baydhabo Si Rasmi Ah Uga Furay Shir Weynaha Dib U Heshiisiinta Koonfur Galbeed,Kana Hadlay Been Abuur “SAWIRRO”

Published on September 14, 2014 by Jayte · No Comments · 356 views

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Baydhabo shir weynaha dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliyeed.

jwrb2.jpg

Munaasabadda furitaanka Shir weynaha dib u heshiisiinta gobollada Koonfur Galbeed waxaa kala qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirro,Xildhibaanno,Odayaasha Dhaqanka gobolladan,ururrada bulshada rayidka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo furitaankana ay fanaaniin kusoo bandhigeen heeso wadani ah.

jwrb5.jpg

Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa tilmaamay in shacabka gobolka Baay ay guul usoo hooyatay tahay in maanta Madaxda Dalka qaarkood,wasiirro,xildhibaanno iyo ergo farabadan shir ay ka qeybgalayaan marti geliso islamarkaana maamul ahaan iyo shacab ahaanba si aad ah u garab taagan yihiin natiijada shirkan iyo qabsoomidiisa.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaarraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Khaalif Cumar Cali oo isna ku hadlay magaca gudiga farsamada ka socday Xukuumadda ee ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa uga mahad celiyey madaxda hortooda sida hagar la’aaneed ee Gudoomiyaha Baarlamaanka howshan ugu dhabar adeygay iyo kaalinta ay leeyihiin odayaasha dhaqanka.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa dadaalka faraha badan ee ay geliyeen sidii bulshadan is faham loo dhex dhigi lahaa waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Xukuumaddu ay si buuxda u garab taagan tahay qabashada shirkan oo natiijadiisu ay noqon doonto ugu dambeyn dhisidda maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo ay yeeshaan gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbaddii ugu dambeysay ee shirka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay hadal si qaldan ay warbaahinta qaarkood u isticmaaleen oo isaga laga sameeyey kaasi oo ku saabsanaa Puntland waxaana uu xusay in hadalkaasi marka koobaad uusan sir aheyn oo uu ka sheegay bishii September 11keeda sanadkii 2013 xiligaasi oo Puntland ay howlgallo ka socdeen laakiin saxaafadda isticmaashay ay kala jartay oo ay ka jareen dhameystirkiisa oo ahaa in Puntland ay xaq u leedahay sugidda amniga deegaanadeeda,balse dhalinyarada ka tagtay gobolladan ee tagtay Puntland looga baahan yahay iney nabadda ka shaqeeyaan waxaase nasiib daro uu ku tilmaamay in sidaas saxaafadda qaarkood u dhaqanto welibana lagu soo beego marka la maqlay in shir weynahan dib u heshiisiinta uu furmayo.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in shir weynahan uu furan yahay ayaa kula dardaarmay ergada ka qeybgalaysa in laga doonayo mudo 45 cisho gudahood iney ku gudagalaan ajandayaasha horyaala oo kala ah dib u heshiisiinta iyo is cafinta shacabka, mideynta aragtiyooyinka kala duwan ee la xiriira sameynta maamulka koonfur Galbeed kadibna la gudagalo dhismaha maamulka KMGka ah ee Koonfur Galbeed.

Share this post

Link to post
Share on other sites

jwrb9.jpg

jwrb3.jpg

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa dadaalka faraha badan ee ay geliyeen sidii bulshadan is faham loo dhex dhigi lahaa waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Xukuumaddu ay si buuxda u garab taagan tahay qabashada shirkan oo natiijadiisu ay noqon doonto ugu dambeyn dhisidda maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo ay yeeshaan gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose.

jwrb6.jpg

Share this post

Link to post
Share on other sites

September 16 shirkii Dib u heshisinta Beelaha Jubbooyinka

Safarka-Xasan-Sheekh-Kismaayo-14.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud will open shirkii Dib u heshisinta Beelaha Jubbooyinka

Maamulka Axmed Madoobe oo sheegay inusan Dib dhacay shirkii Dib u heshisinta Beelaha Jubbooyinka

Sep 14, 2014 - jawaab

maamulka Jubba ayaa Shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta ee ka furmi lahaa magaalada Kismaayo aanu dib ugaga dhici doonin xiligii la qaban lahaa xili ay dowlada federaalku sheegtay in dib loo dhigayo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Mr Fartaag oo lahadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ergadii shirka ka qeyb gali laheyd ay gebi ahaantood ku soo qul qulayaan gudaha magaalda Kismaayo islamarkaana ay iman doonaan inta harsan sidaasi awgeedna ay 16ka bishan aanu ka dib dhici doonin shirka.

Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada kismaayo ka soconayay qaban qaabada shirweynahan, iyadoo wafuud farabadan oo ka kala yimid gobolada 3da ah ee Jubaland, iyo magaalada Muqdishoba ay soo galayeen magaalada, waxaana shirkaan sidoo kale iman doona oo lagu casuumay madaxda sar sare ee dalka.

Madaxda maamulka Juba ayaan dooneyn in shirka uu noqdo mid beelaha keliya lagu heshiisiiyo waxaase la doonayaa in shirkan la isugu afgarto habka ugu weyn ee wax qeybsiga, iyadoo siyaasiyiin waaweyn oo horay u ahaa mucaarad balse iminka muxaafid ah ay ka qeyb gali doonaan kana warami doonaan ra’yigooda.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this