Mooge Posted September 13, 2014 Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey Ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland Kaga qayb galay Xaflad Balaaran oo ay ku qalin jabinayeen Dufcadii Labaad ee Kaqalin Jebisay Jaamacadda Bariga Africa Fareceeda Magaalada Garoowe. Tirada ardayda ayaa ahayd 86-Arday waxana ay ka qalin jabiyeen Kuliyadaha Shareecada iyo Qaanuunka,Cumputer Science ,BBA-DA iyo Kulliyada Community Development,waxana Goob joog ahaa Madasha ay ka dhacday Xafladu Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ,Xubno ka socday Golayaasha Dowladda Puntland,,Waxgarad,Maamulka iyo Ardayda jaamacadaasi iyo Dadweyne kale. Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray dhamaan ardaydii qalin jabisay isagoona ugu baaqay in ay ka qayb qaatan horumarinta dalkooda maadama ay wax ubarteen Dadkooda iyo Dalkooda. ‘’ Waxaaana Leeyahay Waxaad Joogtaan Maalintii Qofka Bini’aadamka ah Ugu Farxadda Badnayd Waayo Markii aan Qalin Jebinayey Baan Garanayaa aad iyo aaadbay Runtii iigu Farxad Badnayd Idinkiyo Waalidkiiba Aad iyo Aad ayaan Idiinku Hambalyaynayaa’’Ayuu yiri Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland MudaneCabdixakiin Camay . ‘’Waxaad Ka Koobantihiin 4 Kulliyadood afartaba Waa Loobaahanyahay Oo Ummadda Adeegisteeda Kuwanaagsan, Waxaan Jeclahay oo Wejigiina Hadeer Kamuuqata Inuu Qofwaliba Rabo Inuu U Adeego Ummada Wixii U USoo Bartay Oo Muddo Badan Laga Sugayeyna Uu Gaadhsiiyo Ummadda’’Ayuu yiri Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camay . Ugu Dambeyn Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa Ardayda Qalin Jabisay uga digay in ay dalkooda ka tahriibin ama Burcad Badeed iyo Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab ku biirin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted September 13, 2014 education is key to move Puntland forward niyoow. great day for families of graduating students. progress starts with education. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted September 13, 2014 more pictures guulaysta my friends, guulaysta. Quote Share this post Link to post Share on other sites