Mooge Posted September 12, 2014 Madaxwaynaha Dowladda Fadaralka Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Markii ugu horaysay si caro oo waliba xanaaq ku dheehan tahay uga hadlay xilka qaadita lagu sameeyay Taliyihii Nabad Sugida Muqdisho Cabdulaahi Maxamed Sanbaloolshe. “Sanbaloolshe waa nin muwaadin ah xilka waa laga qaadi karaa, horey waxaa looga qaaday rag badan oo isaga ka horeeyay, laakiin xil ka qaadistiisa waxaa la rabaa in wado sharci ah loo maro.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya. Xasan Shiikh ayaa si awoodi ku jirto umuujiyay in uu san raali ka ahayn xil ka qaadista Sanbaloolshe, iyadoo uu horey ugu tilmaamay mid ka baxsan Dastuurka u yaal dalka. 8-SEB-2014 copy Sanbaloolshe waxaa Axadii xil ka qaadis ku sameeyay Golaha Wasiirada Somaliya, ka gadaal markii lagu eedeeyay xasaanad Xildhibaan, inkastoo aanu Sanbaloolshe wax jawaab ah ka bixin eedeymahaasi loo haystay kuwaasi oo qaybtood ku cad yihiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites