Sign in to follow this  
Mooge

Puntland Mayors Conference starts in Tanzania

Recommended Posts

Mooge   

Progress continues.

 

niyoow training on good governance is the key for Puntland local city authorities to develop their cities and move Puntlnad forward

 

mayor23.jpg

 

Waxaa dhowrkii cisho igu dambeyay Magaaladda Arusha ee dalka Tanzania shir uga socday ku dhawaad 7 Gudoomiye degmo kuwaas oo ka kala yimi goboladda Puntland ee leh golayaasha degaanka ee dowladaha hoose, sidoo kalena waxaa ku wehliyey Agaasimayaal ka tirsan Dowladda Puntland iyo Madaxda Barnaamijka JPLGga.

 

Shirkani ayaa looga hadlayey sidii Gudoomiyeyaasha degmooyinka uga faa’ideysan lahaayeen ugana dayan lahaayeen waxqabadka Dowladdaha hoose dalkaas, kuwaas oo waxyaabaha laga faa’idi doono ay inta badan la xiriiraan arimaha dowladaha hoose.

 

Maxamed Siciid Ciise (Hogaamalaroor) Gudoomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmadda Qardho ayaa u sheegay saxaafadda in shirkani uu yahay mid ay wax badan ka faa’ideen isaga oo dhanka kalena muujiyey in rajada uu ka qabo in wax badan laga bedelo arimaha dowladaha hoose ee Puntland.

 

“ Waxaanu booqnay xarumo badan oo ay ku jiraan Isbitaalo iyo xafiisyo arimaha bulshadda ka shaqeeya oo ay leeyihii dowladda Tanzania runtiina waxa ay noo aheyd mid tusaale wanaagsan ah, waxaanu rajeyneynaa in wixii aanu ka barnay dadkeena iyo dalkeena ugu faa’ideyno.” Ayuu yiri Hogaamalaroor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this