Sign in to follow this  
malistar2012

Nabadoon Xaad: Told to be silent no more Politics no more insinuating violence

Recommended Posts

Nabadoon Xaad: Told to be silent no more Politics no more insinuating violence or Jail .

 

 

xaad1.jpg

Nabadoon Xaad: Waa la i Handaday Waxaana la iigu Hanjabay in la i Dilayo

 

 

 

Muqdisho( Sh M Network)- Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada beeelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Dawlada Soomaaliya ay ugu hanjabtay in la dilayo haddii uu ka hadlo Arimaha ka socda Magaalada Muqdisho, isaguna uu tilmaamay inuu qaatay amarkaasi oo uu iska aamusayo.

 

Nabadoon Xaad oo hadlay ayaa sheegay in uu ku qancay Hanjabaada loo jeediyey, balse waxa uu farta ku fiiqay in Dadkii afka laga wada qabtay oo aanay ka hadli karin Arimaha Dawladda, Dalkiina lagu tilmaami karo Dal aan xor ahayn.

 

Nabadoon Maxamed Xasan xaad ayaa sheegay in ay la soo hadleen Madaxweynaha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil kale iyagoo ku wargeliyey inuu ka aamuso hawlaha ka socda Magaalada Muqdisho.

 

“Ma jirto Xornimo, Madax Banaani, Xoriyatul qawl sidaa awgeed waan iska gaabsanay, laakiin waxaasi wax lagu qanci karo inaysan ahayn qof walba waa u jeedaa“ ayuu hadalkiisa sii raaciyey Nabadoon Xaad.

 

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad waxa kale oo uu sheegay in hadda ay xiran yihiin Idaacado Xabsina ay ku jiraan Suxufiyiin ka tirsan shabelle iyo Sky FM, qalabkoodiina la qaatay, isagoo intaa raaciyey in markii ay arkeen waxa dhacay ay go`aansdeen inaysan ka hadlin, haddii aysan waxba is bedelinwaxaana jirta ayuu yiri Nabadoon Xaad i in Xabsiyada ay ku jiraan dad doonayey inay ka hadlaan arimaha socda oo aan wax kale samayn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this