Sign in to follow this  
Mooge

dignitaries that wanted to join Galayr innauguration escape death

Recommended Posts

Mooge   

after siilaanyo captured saaxdheer, the dignitaries that came to join Galayr innauguration left Galkacyo after escaping with their lives by car all the way from saaxdheer to burtinle to galkacyo. siilaanyo achieve what he wanted but how will that help him win the hearts of galayr's subclan after humiliating Galayr and killing so many people, chasing Galaydh right before his ceremony.

 

niyoow what a bloodthirsty scum siilaanyo has become.

 

xaflad6.jpg

 

Waxaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo martidii ka yimid Gobolladda Koonfurta Somaliya ee doonaysay inay ka qeyb galaan xafladii Caleemo saarka Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh deegaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool, Kuwaas oo horey uga soo degay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn, balse ciidamo Somaliland ay weerar kusoo qaadeen goobtii Xaflada Caleemo saarka ka qabsoomi lahayd.

 

xaflad6Waxaa ka mid ahaa dadka laga dhoofiyey maanta Gaalkacyo Ugaaska Beesha Gedo, Iimaamka beelaha Unuka, Suldaanka Beesha Bantu, Madax dhaqmeed ka socda Goboladda Bay iyo Bakool, Ganacsato, Xillibaano ka tirsan DF Somaliya iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed,

 

Warar ay heshay warbaahinta PFox ayaa sheegaya in dhamaan dadkan maanta laga dhoofiyey Gaalkacyo ay xalay ku hoydeen degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, Ka dib markii ay yimaadeen habeenimadii xalay.

 

Maanta oo jimco ah ayay diyaarad ka raaceen Gaalkacyo dhamaan xubnaha xalay seexday Degmada Buurtinle, Kuwaas oo dib ugu laabtey magaalada Muqdisho oo ahayd halkii maalmo ka hor diyaarado kasoo qaaday ay ku yimaadeen Buuhoodle.

 

Khaatumo ayaa ku eedeysay Puntland iyo Somaliland inay iska kaashadeen weerarkii shalay lagu qaaday Saax-dheer oo ay sheegeen inuu ahaa mid lagu doonayay burburinta dhismaha maamulka Khaatumo.

 

Mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ay kasoo saartey Puntland mashaqadii shalay ka dhacdey deegaanka Saax-dheer , Xilli ay cambaareeyeen Dowlada Federalka Somaliya,iyo Wakiilada Beesha caalamka u fadhiya Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this