Sign in to follow this  
Che -Guevara

Joint Press Release appealing for all armed forces to withdraw from Saaxdheer, S

Recommended Posts

U.S. Special Representative for Somalia, UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia, and EU Ambassador to Somalia Appeal for All Armed Forces to Withdraw from Saaxdheer, Sool Region

29 August 2014 – United States Representative for Somalia James P. McAnulty, UN Special Representative for Somalia Nicholas Kay and European Union Ambassador Michele Cervone d’Urso express profound concern about the deployment of armed forces and the resultant conflict within Saaxdheer, Sool Region.

We call for the immediate withdrawal of forces from Saaxdheer, and the immediate release of all prisoners. We urge all parties to refrain from violence and make concerted efforts to de-escalate and resolve differences through peaceful means and dialogue. All parties should make immediate efforts to demonstrate genuine willingness to create the conditions necessary for long-term and durable stability in the region.

The U.S. Special Representative, the UN Special Representative and the EU Ambassador urge all parties in the affected region to engage peacefully and find constructive ways to address jointly the drivers of conflict. They express their commitment to help all parties to seek compromise and work towards durable peace and stability in the region.

* * * * * * * * * *

Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya, Ergayga Gaarka ah ee Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ka Codsaday dhammaan Ciidamada Hubaysan in ay ka Baxaan Saaxdheer ee gobolka Sool

29 August 2014 – Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervoned’Urso ayaa walaac weyn ka muujiyey ciidamada hubaysan ee la geeyey Saaxdheer gobolka Sool iyo khilaafka ka dhashay.

“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saaxdheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed. Dhammaan qaybaha waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalad muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.”

Wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo safiirka Midowga Yurub waxa ay ku boorinayaan maamulka Soomaaliland iyo dadka dagan gobolka xaaladahaan ay saameysay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka. Waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dhammaan qaybaha in ay raadiyaan xeer-jajab iyo in laga shaqeeyo nabad iyo daganaansho waarta oo ka hirgasha gobolka

http://www.unsom.unmissions.org/Default.aspx?tabid=6254&ctl=Details&mid=9770&ItemID=30565&language=en-US

Share this post

Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in ay ka xun tahay Weerarkii Saax-dheer

Jimco, Ogoosto 29, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay ka xun tahay weerarkii ay ciidamada Somaliland ku qabsadeen deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool, iyadoo ku baaqday in la joojiyo colaadaha iyo dhiigga daadanaya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey mowqofka dowladda federaalka ee ku aaddan weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Saaxdheer.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xun tahay weerarkii hubeysanaa ee ka dhacay deegaanka Saaxdheer, kaasoo geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Sidoo kale, wasiirka oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri. "Dowladdu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dagaalka lagana dhowrsado wax walba oo colaadda sii hurinaya. Dowladdu waxay aamminsan tahay inay dadku xor u yihiin xaqna u leeyihiin inay si nabadgelyo ah isku imaadyo u samaysan karaan, sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa in dadkii lagu qabtay Saax-dheer lasii daayo xuriyaddoodana loosoo celiyo si ay arrintaasi ugu adeegto nabadda iyo isku soo dhawaanshaha.”

Wasiirka ayaan hadalkiisa ku sheegin in ciidamada laga saaro deegaankaas oo shalay ay la wareegeen ciidamada Somaliland, halka warbixin ay soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka lagu sheegay in si dhaqso ah ciidamada hubeysan looga saaro deegaanka Saaxdheer.

“Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay nabadgalyo, xasillooni iyo horumar taasoo ku imaan karta is-xaq-dhowrka, is-faham iyo wadahadalna lagu xalliyo wixii is af-garanwaa ah ee jira,” ayuu wasiirku hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in sababtii ay u weerartay tuulada Saaxdheer ay ahayd iyadoo hub laga keenay Muqdisho iyo Kismaayo halkaa la geeyay, taasoo ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah maamulkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this