Sign in to follow this  
malistar2012

Mogadishu Alshabaab parent gets six month jail son death penalty

Recommended Posts

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo lix bilood ku xukuntay aabe dhalay wiil dhalinyaro ka tirsanaa Al-Shabaab

by A M | Tuesday, Aug 26, 2014 | 155 views

 

 

 

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay lix bilood ku xukuntay aabe dhalay wiil la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo dilal ka geystay magaalada Muqdisho, iyadoo Maxkamadu wiilkaas ku xukuntay dil toogasho ah.

5172.jpg

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Col. C/raxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa sheegay in qofka dilka geystay iyo kii qariya ay isku dambi yihiin, isla markaana uu ka yaalo xeerka ciqaabta soomaaliyeed.

 

“Qodobka 283 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu qeexayaa in muwaadinkii qariya xog amniga qatar ku ah waa dambiile ciqaab ayuu muteysanaa, waliba ciqaab qeybo ayay leedahay, inkastoo aan ku xukumin ciqaabtaas, hadana ciqaab kale ayaa ku xukunay, waalidka waa la xukumayaa, hadii marka caruurtiisa oo da’ yar aad ogtahay inay alshabaab yihiin aad qariso oo aan dowladda u soo sheegin waa qarin xog amni”ayuu yiri Col. Tuur Yare

 

“Qofkii dambi gala ee wax dila iyo kii qariya waa isku dambi, kitaabkeena ayaa inoo sheegay, xeerkeena ciqaabta Soomaaliyeed ayay ku qoran tahay oo afti dadweyne loo qaaday”ayuu yiri Col. Tuur Yare oo ka hadlayay goobtii xukunka Maxkamada ku riday.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa lix bilood ku xukuntay Cusmaan Cali Maalin oo ah aabaha dhalay wiil lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana dilay mid ka mid ah ciidamada nabadgelyada wadooyinka, kaasoo ay Maxkamadu dil toogasho ku xukuntay.

Sidoo kale Maxkamada ayaa ruux kale oo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo bishii hore lagu dilay degmada Wadajir ku xukuntay dil toogasho ah.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa digniin u jeediyay shaqaalaha ka tirsna dowladda inay xogta la wadaagaan kooxaha ka soo horjeeda, ama ay u gudbiyaan sirta dowladda.

 

“Cadawgu wuxuu mar walba isku dayayaa inuu dad ku yeesho shaqaalaha dowladda xogo ka helo, waxaa uga digeynaa shaqaalaha dowladda inay xog siiyaan ama la wadaagaan cadawga, waa dhamaatay xilligii la dhihi jiray dowlad waa daciif, ama laguma ogaanayo gacan bir ah ayaa ku qabaneynaa”ayuu yiri Gudoomiye Tuur Yare.

 

Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa dhowaan ugu baaqday waalidiinta inay soo sheegaan wiilashooda ka midka ah Al-Shabaab, cidii qarisa oo Maxkamadu ay tallaabo ka qaadeyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this