Sign in to follow this
Mooge

Puntland gives secret document against Somaliland to UN

Recommended Posts

Mooge

key shireErgayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Nichalos Kay ayaa maanta oo Axad ah waxa uu xarunta Gollaha shacabka kula kulmay Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Siciid Xasan Shire iyo qaar ka mid ah xildhibanada.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha Siyaasadda sida,deeqaha magaca umadda Somaaliyeed lagu soo qaado oo ku eg magalada Muqdisho.dhibaatadda Villa Somalia ay ka wado gobalka Mudug iyo wax isdabo marinta lagu sameeyay dastuurka KMG ah ee wadanka.

Afhayeenka gollaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa Danjire Key u dhiibay warqad qoraal ah oo ay ku qoron tahay aragtida Baarlamaanka ee siyaasadda taagan.

Waxa kale uu Baarlamaanka Puntland walaac ka muujiyay Kaalmada uu beesha caalamku siiso Somaliland kaaso qoraalka lagu sheegay in lagu dhibaatooyo shacabka Puntand ee Gobaladda Sool,iyo Cayn waxana lagu yiri qoraalka.

”Baarlamaanka Puntland wuxuu beesha caalamka ku wargelinayaa inay ka fiirsadaan kaalmad ay siiyaan Maamulka Soomaaliland,taasoo ay uadeegsadaan dagaalo iyo barakicin shacabka Goballo ka mid ah Puntland sida,Sool, Cayn”.

Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay haddii aysan madaxda Villa Somalia ka fiirsan sida ay wax ku wadaan iyo qiyaanadda lagu sameeyay dastuurka dalka ay ka fiirsan doonan kasii mid ahaanshaha dowladda federaalka,waxayna tani u eg tahay in xaalada Puntland iyo DF ay meel xun kala marays.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku Doodaya in Shacabka Gobolka Sool ay Qayb ka Yihiin PL Sidoo kale wuxuu xusay in Kuwa G.Sanaag ee dariska la ah Gobolka Maqan ee Sool uu Metelo Siyaasad ahaan isla markaana ay Qayb Siyaasadeed ka Yihiin Dowlada Puntland.

Dadka Siyaasada lafa Gura ayaa leh waa talaabo Muujinaysa Shaqa Hogaanka Baarlamaanka Pl inay tahay mid Masuul ka ah Dadkii ku Bahoobay Dhismaha PL,

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this