Sign in to follow this  
Mooge

Big debate in Puntland on whether to restore relations with Mogadishu

Recommended Posts

Mooge   

War hadda soo dhacay: Madaxtooyadda Puntland oo M/weyne Gaas iyo Xukuumadiisa ka wada hadlayaan in la soo celiyo xiriirka Muqdisho iyo Xildhibaan Cabdi-Barre oo ku taliyay inaan lagu Deg-degin heshiiska Culusoow iyo Damjadiid

2014-08-18 14:03:14

 

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland C/weli Gaas iyo Xukuumadiisa iyo Xildhibaanadii Muqdisho ka yimid ee uu qudhiisa u yeeray ayaa goradda iyo madaxa isla galay.

 

Arintaan ayaa ka dambaysay,kadib markii Madaxweyne Gaas uu talo ku soo jeediyay inuu dib u soo celinayo xiriirkii hakadka ku yimid ee Dawladda Federaalka iyo Puntland u dhaxeeyay.

 

Xildhibaan Cabdi-Bare Yuusuf Jabriil ayaa canaan dusha uga tuuray Madaxweynaha Puntland,waxaana uu arin laga xumaado ku tilaamay,in Madaxweynaha Gaas inta uu Xildhibaanadda Garoowe ugu yeeray amarkii Gaasna u hogaansameen,inuu isagoo aan la xisaabtamin Dawladda Federaalka inuu iska aamino warqad uu Nocholas-Kay shalay shirklii UNISOM ee Xafladii Garoowe ka dhacday uu sheegay in Maamulka Gobolada-Dhexe loo dhisayo aysan ku jirin Waqooyiga-Mudug ee Puntland ay ka taliso.

 

Dagaal-siyaasadeed qaraar ayaa galabta ka socda Madaxtooyadda Garoowe ku taal,iyadoo ninka ugu macquulsan hadalkiisana lala dhacay uu noqday Xildhibaan Cabdi-Barre oo talo ku soo jeediyay,in Dawladda Federaalka oo Madaxweyne Xasan Culusoow uu gardawadeenka ka yahay,inay ka soo garbaxaan Maamulka Puntland ee ay dhulkoodii ku soo xadgudbeen,wuxuuna ku tilmaamay waradii shalay Garoowe laga akhriyay inaysan ku jirin saxiixii Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Reysalwasaare C/weli Sheekh.

 

Hadii Madaxweynaha Puntland uu galabta ku dhawaaqo inuu dib u soo celiyay kalsoonidii uu kala noqday Dawladda federaalka isagoo aan la xisaabtamin Dawladda Federaalka,waxay noqon-doontaa qamaar-siyaasadeed,isagoo lumin-doono kalsoonidda Shacabka Puntland,waxaana la filayaa Xildhibaanadda Muqdisho ka yimid ee Gaas uu codsaday inay Garoowe yimaadaan,hadda kadib inaysan aqbalin codsiga Madaxweynaha Puntland uga yimaado,maadaama uu si sahal ah isagoo aan la xisaabtamin Kooxda Damjadiid uu la heshiinayo.

 

Dhanka kale hadii ay dhacdo Maadxweyne Gaas inuu arinta Dawladda federaalka iyo Puntland guddi u saaro tur-xaanbixin ku sameeya arimaha la isku hayo,markaas waxaa uu noqonayaa Madaxweyne kalsooni u muujiyay Shacabkiisa iyo xukuumadiisa.

 

Wixii jiraaba cakaaruu imaan,Gaas galabta ayaa lakala ogaanayaa,waxaana dhagta u taagan-tahay Shacabka Puntland oo ka warsugaya warka Madaxtooyadda Puntland galabta ka soo yeeri-doono,oo 2-mid noqon-doonto,Puntland inay la xisaabtanto Dawladda Federaalka ama Puntland inay ka tanaasusho khaladaadka ay tirsanayo oo ay gobanimo samayso hoostana ka gasha Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Xertiisa Damjadiid,iyagoo weliba raali-gelin ugu daraya,waana gobanimo labadaba go'aanka uu qaato Madaxweyne Gaas oo galabta laga warsugayo.

 

Qalinkii:Tooshka Wareega ee Sh-Media

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this