Sign in to follow this  
malistar2012

Somali Gov force advance to eliminate Alshabaab remaining towns will be liberate

Recommended Posts

Somali Gov force advance to eliminate Alshabaab remaining towns will be liberated

 

 

RW-Cabdiwali-Ciidamada-amnigu-waxay-ka-h

 

Deg Deg:- Howlgallo Lagu Sifeeynayo Haraadiga Alshabaab Oo Saaka Ka Socda Gobollada Hiiraan Iyo Galgaduud.

 

Ciidamada XDS oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa ineey saaka howlgallo saf ballaaran ah oo ka dhan ah Shabaab ka bilaabeen deegaano ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

 

Howlgalkan oo ay horkacayaan saraakiisha ciidamada XDS ayaa la isugu furaya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, gaar ahaan magaalooyinka Buulo barde iyo Jowhar, iyadoo ciidamadu ay ka soo dhaqaaqeen Buulo barde, kuna wajahanyihiin dhinaca degmada Jowhar iyo Buurane.

 

Sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo kale saaka ka wada deegaanno hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo laga sifeynayo haraadiga maleeshiyaadka Alshabaab.

 

Howlgalkan ka soconaya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ka dambeeyay kadib markii dhawaan taliska ciidanka XDS uu ka dhawaajiyay inu billaaban doono howlgalkii ugu dambeeyay ee Shabaab looga xoreeynayo deegaannada ay dalka uga dhuumaaleeysanayaan.

 

Wixii ku soo kordha kala soco halkan

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Gov force are closing in on Degmade Baraawe Alshabaab strong hold huge blow

?attachment_id=27773

 

 

Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Tuulooyin hoostaga Qoryooleey{DHAGEYSO}

August 18, 2014

 

Qopryooleey–KNN-- Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in kulan uu halkaasi uga soconayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa XDS.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Xaaji Cismaan oo Radio Kulmiye la hadlaya ayaa sheegay in kulanka looga Arinsanayo sidii Weerar loogu qaadi lahaa Degmooyinka ay Al-shabaab haystaan ee Gobolka Shabellaha Hoose,kuwaas oo laga xusi karo Baraawe iyo Kuntawaareey.

Dhanka kale Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Al-shabaab kala Wareegay Deegaano dhawr ah oo Degmada Qoryooleey hoostaga,waxaana kamid ah,Farxaanle,Gargaarka iyo Cabdi Cali,halkaa oo Shabaab ay hore u haysteen islamarkaana ay Weeraro ka geeysan jireen.

Kulanka ayaa imaanaya Iyadoo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose uu sheegayon in uu dajiyay Qorshe Al-shabaab Gobolka looga saarayo.

Riix halkaan si aad Codka u dhageysato

Share this post


Link to post
Share on other sites

DEG DEG:- Al-shabaab oo dagaal looga qabsaday deegaano ka mid ah Gedo

Aug 20, 2014 - jawaab

 

 

 

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa maanta Al Shabaab kala wareegay deegaan hoostaga Degmada Beladxaawo ee Gobalka Gedo.

 

Dagaal qaatay wax ka yar hal saac ayeey ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula wareegeen deegaanka Gadoon-dhawe oo 45-Km ujira Degmada Beladxaawo ee Gobalkaasi.

 

Taliyaha ammaanka Degmada Beladxaawo Ismaaciil Koofi ayaa Barkulan u xaqiijiyay la wareegitaanka ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya deegaanka Gadoon-dhawe, waxaana uu sheegay in ciidamadii halkaasi ku sugnaa ee Shabaabka inay isaga carareen.

 

Taliyaha ma uusan sheegin khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaasi, hayeeshe wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyay in gacan ku haynta deegaankaasi ay hada maamulayaan kuwa Kenya iyo kuwa Dowladda.

 

Koofi ayaa sheegay inay haatan degan tahay xaaladda Gadoon-dhawe, wuxuuna ugu baaqay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidanka Amisom ee deegaanka qabsaday.

 

Ciidanka Amisom iyo Kuwa Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday abaabul ay ugu jiraan inay Al-Shabaab ka saaraan deegaannada ay uga sugan tahay Gobolka.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay bilaabeyso wajiga labaad ee dagaalada ka dhanka ah Xoogag Al Shabaab si guud ahaan dalka Soomaaliya looga saaro Shabaab.

 

Al Shabaab weli kama aysan hadlin hadalkaan kasoo baxay Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Degmada Belad-xaawo kuna aadan in deegaano ay kala wareegeen Shabaabka hubaysan ee Gobalkaasi ku sugan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

hiiraan1.jpg

 

Ciidamada XDS Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan G/Hiiraan Kuna Sii Wajahan Jalalaqsi (Sawirro)

Published on August 20, 2014 by Mowliid · 1 Comment · 1,590 views

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM, ayaa sii dar dargeliyay howlgallada maleeshiyaadka Shabaab looga xoreynayo gobolkaasi.

 

Hawlgalada oo ka kala soconayaan Galbeedka iyo Bariga Gobolka Hiiraan, ayaa waxay ay ciidamadu kula wareegeen deegaano ka badan toban, oo ay horey ugu sugnaayeen Shabaabka.

 

C/fataax Xasan Afrax gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo la socdo Ciidamada ayaa waxa uu dadka kula hadlay deegaanada ay kala wareegeen maleeshiyaaadka Shabaabka.

hir_6.jpg

Gudoomiyaha ayaa sheegaay in hawlgaladu ay si xowli ah uga soconayaan gobolka, isagoo xusay inaan la hakin doonin, ilaa iyo inta malleeshiyaadka Shabaab laga xoreeynayo deegaanada Gobolka Hiiraan oo idil.

 

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in qorshahooda uu qayb ka yahay in Degmada Buulo Burde ay ka qaadan go’doominta ay ku hayeen maleeshiyaadka Shabaab.

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa ku sii wajahan degmada Jalalaqsi oo ah meesha kaliya oo maleeeshiyaadka Shabaab ka joogaan gobolka Hiiraan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Congrats to the Governor of Hiiraan for bravely taking part of liberation of last district held by Alshaabaab

 

hir_5.jpg

 

hir_4.jpg

 

Here He is holding his Ak brave man times are changing Alshabaab are on the run

 

 

hir_7.jpg

 

hir_9.jpg

 

 

One mor Town to go Hiiraan free of Alshabaab congrats to C/fataax Xasan Afrax gudoomiyaha gobolka Hiiraan

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this