malistar2012 Posted August 14, 2014 Cali Khaliif Galeyr President of Khatuum State Deg deg: Dr Cali Khaliif oo ku guulaystay Madaxwaynaha Khaatumo (DHEGAYSO) Codadka Sida loo kala helay & Waraysi Aug 14, 2014 - 16 Aragtiyood Waxaa haatan soo dhamaatay Doorashadii madaxwaynaha maamulka khaatumo taasi oo ay ku tarmatayeen Madaxwayinihii hore ee maamulka Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Indhosheel iyo Dr Cali Khaliif Galaydh. Doorashada ayaa waxa Lagu kala baxay Wareegii Koobaad, waxaana Madaxwaynaha maamulka Khaatumo noqday Dr: Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi Caan ah oo Raysal wasaarana kasoo noqday wadanka Soomaaliya. Waxaa cododka ay u kala heleen labada Musharax :Cali Khaliif Galaydh ayaa wuxuu helay 21 Cod, Maxamed Yuusuf Jaamac Ayaa wuxuu helay 9 Cod. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted August 14, 2014 Nin raag eh oo iska dhiga Cali Khaliif Galeyr balanteenu waa soomaalinimo iyo calankaa buluuga ah well organized especially in times of war and hard time with little resource ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
YoniZ Posted August 14, 2014 <cite> @malistar2012 said:</cite> Nin raag eh oo iska dhiga Cali Khaliif Galeyr balanteenu waa soomaalinimo iyo calankaa buluuga ah Bal inyar Soomaalinimada fahamka aad kaheysatid noo sharax saaxiib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted August 14, 2014 Ali Galaydh has mashruuc niyoow. it is called 2016. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted August 14, 2014 Hambalyo, Professor Ali Khalif Galayr. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted August 16, 2014 Saaxdheer (Caasimada Online) - Madaxweynaha maamulka Khaatumo State, Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uu maanta oo sabti ka ah ka baxay xildhibaannimadii baarlamanka Somalia. Galayer waxa uu sheegay in uu Warqadii is-casilaadiisa usoo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu uga tagay Shaqadii uu u hayay baarlamaanka Soomaaliya.. Galayr waxa kale oo uu shaaciyey wax hambalyo aanu ka helin doorashadiisa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ku goodiyay haddii la ictiraafi waayo in ay xiriirka u jari doonaan. Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo in dad ay asxaab yihiin oo ku jirra dowladda ay hambalyo u soo direen isagoona si gaar ah u xusay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Dhuxulow. Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku goodiyay haddii dowladda fedaraalka aaney taageerin qadiyada iyo mowqifka maamulka Khaatumo in ay calaaqaadka u jari doonaan isagoona intaas ku daray isla markaana uu wax wadashaqeyn ah aanu dhexmari dooni. Madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo ayaa dhinaca kale dowladda ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto maamulada ka dhisan dalka sidda, Puntland, Khaatumo iyo Somaliland. Wuxuu tilmaamay in uu Maraykanka uga yimid siddii uu door uga qaadan lahaa midnimada Soomaaliya loona horumarin lahaa shacabka deggan deegannada uu maamulo Khaatumo oo uu yiri xaqooda dad kale ayaa iska heysta. Dowladda Soomaaliya ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin doorashadda ka dhacday deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiya toddobaadkii hore taasoo uu ku guuleystay siyaasiga Cali Khaliif Galeyr. Caasimada Online Quote Share this post Link to post Share on other sites