Mooge Posted August 10, 2014 SSC heavyweight and Puntland interior minister Karaash laughed off the wording of the Central State document. he called it a joke written by xaad and bililiqayste ahmed diriye. (Dhagesyo) Axmed Karaash,” Hishiiska gobolada dhexe waa ereyadii ay ku hadli jireen Axmed Diiriye Cali iyo Xaad iyaga ayaana soo qortay,” (Pi Garowe) Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladda hoose ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay Puntland inaysan marna qaadan karin oo lagu qatali karin hishiis aan sinaba uga turjumayn midnimada Soomaaliya. Axmed Karaash oo maanta kusoo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo 4 xildhibaan oo reer Puntland ah oo katirsan barlamaanka federalka Soomaaliya oo ku yimid baaqii madaxweyne C/Weli ayuu sheegay inay weli inay dowladda Puntland ilaalinayso midinimada Soomaaliya iyo wadajirkeeda. Isagoo ka hadlayay hishiiskii ay dhawaan xukuumada Muqdisho ku sheegtay inay maamul ugu sameynayso gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa wuxuu sheegay inay u arkaan ereyadii ay saxaafada ka sheegi jireen odayaasha koonfurta. ” Anigu waan aqriyay hishiiskaas. Waxaan umaleenayaa mas’uuliyiin majoogin. Waxaan oran karaa waa ereyadii ay ku hadli jireen Axmed Diiriye Cali iyo Xaad. Waxaanba is iri iyaga ayaa goobta joogay oo uqorey hishiiskaan,” ayuu yiri wasiirku. Wasiirka arimaha gadaha wuxuu sheegay dowladda Puntlad inay weli dacalka ku dhagan tahay oo ay ilaalinayso calanka Soomaaliya si uusan u baabi’in. Halkaan hoose ka dhageyso codka Axmed Karaash. Quote Share this post Link to post Share on other sites