Sign in to follow this  
malistar2012

Somali Gov passes a historicall law weapons ban harsh sentence

Recommended Posts

 

 

 

Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta ansixiyay sharciga xakameynta hubka

 

Shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Ridwaan Xersi Maxamed, todobaadkan waxaa diiradda lagu saaray Arrimaha Ammaanka, iyadoo golaha wasiiradu ay meel mariyeen Sharciga xakameyntna Hubka sharci darrada ah, iyadoo si weyn loogu bogaadiyey laamaha amniga oo in ka badan 10 horjooge oo Al-Shabaab ka tirsan gacanta ku dhigay

 

Shirka Golaha wasiirada, ayaa soo gabagaboobay kaddib warbaahinta waxaa la hadlay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxa uuna sheegay in golaha wasiiradu ay soo dhoweeyeen howlgal ay wasaaradda Amniga Qaranku uga hortagtay Miinooyin la doonayey in lagu waxyeeleeyo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uu intaa raaciyey in howlgal ay ciidamada Amniga sameeyeen lagu soo qabtay 11- Horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab.

 

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayuu sidoo kale afhayeenku tilmaamay inay gacanta ku dhigeen, iyagoo kaashanaya ciidamada Kenya Xasan Xanafi oo loo heysto dilka suxufiyiin badan oo Soomaali ah.

 

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyey dood Sharciga Xakameynta Hubka, iyadoo doodaasi kaddib goluhu ay ansixiyeen Shacigaasiga oo noqon doono mid looga hortago Hubka wax dila, islamarkaana ay wasaaradda Amniga qaadi doonto Talaabooyin lagu dhaqangelinayo sharcigaasi, sida Afhayeenka Xukuumaddu tilmaamay.

 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dadaallada amniga Qaranka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ee Al-Shabaab, waxaana guulo waaweyn ay ciidammada Qaranku ka soo hoyeen, howlgallo Xasilinta amniga ah iyo kuwa lagu bartilmaameedsanayey Baro ay nabad diidku ku dhuumaaleysanayeen, taas oo ay u riyaaqeen shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Home » Wararka »

 

Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Muqdisho oo wadnaha farta ku hayo

 

 

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Amniga Khaliif Erag, ayaa waxaa lagu sheegay in Maalmaha soo socdo ay wasaaradu waxbadan ka bedeli doonto hubka faraha badan oo ay la cararayaan Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Warbixinta kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradu ay qaswadayaal u aragto kuwa aan ku jirin Dowlada ee hadana wata Hubka faraha badan, waxaana la Tilmaamay inuu socdo qorshihii lagu kala yareyn lahaa Hubkaasi.

 

Afhayeenka Wasaarada Maxamed Yusuf, ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay in Wasaaradu ay lasoo baxeyso dadaalo lagula xisaabtamaayo Siyaasiyiinta, Odayaal dhaqmeedyada iyo Ganacsatada aan ka tirsaneyn Dowlada ee isticmaasha hubka farahabadan, waxa uuna sheegay in qorshaha uu iminkaba socdo.

 

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa waxa uu Tilmaamay in muddo Asbuuc gudihiisa ay fashiliyeen Weeraro laga fulin lahaa qeybo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho sida Liido, Wardhiigley iyo Xarumo kale, waxa uuna Tilmaamay in ay bur-buriyeen Shabakado Alshabaabku ay ku lahaayen Degmada warta-nabada.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this