Sign in to follow this  
malistar2012

TV-ga Puntland ee Garoowe oo La bililiqaystay

Recommended Posts

BOGA

 

 

LATEST

axmed-kismaayo-oo-loo-magacaabay-agaasim

 

 

Deg-Deg: TV-ga Puntland ee Garoowe oo La bililiqaystay, Gaas aya Ciidamo ku dalbaday maxay tahay sababta?.

Aug 5, 2014 - Comments off

 

 

Wararka laga Helayo Magaalada Garowe ayaa ku waramaya in Ciidamo Hubeysan oo wata hub ay gudaha u galeen Xarunta Tv-ga Dowlada Puntland islamarkaana ay banaanka u soo saareen Shaqaalihii Tv-ga.

 

Lama oga Sababta Rasmiga ah ee arintani Keentay in koox hubeysan ay galaan xarunta Tv-ga waxaana arinkan uu imaanayaa Saacado uun ka dib markii La sheegay in Dowladu ay xilka ka qaaday Madax Ciidan iyo Agaasimihii Tv-ga Puntland Axmed Kismaayo.

Ma jirto war faahfaahsan oo dowlada ka soo baxay waxaana oo la xiriira Arinkan oo ah mid aan mudooyinka deegaanada puntland aan horey loogu arag iyadoo kooxdan hubeysan aysan weli ka hadlin dhacdadan.

Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay puntland oo dhacdadan la xirira waxaana arintan ay sumcad xumo ku tahay kooxda weerarka geystay ee qabsatay Xarunta Tv-ga Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhegayso: Ciidankii P/land oo kala Jabay Maleshiyada Faroole oo qabsaday Xarun Muhiim ah & Xiisada ka taagan Garoowe

 

 

Aug 5, 2014 - 20 Aragtiyood

Ciidamo xoogan oo aad u Hubaysan ay la Wareegen Xarunta Tv-ga Puntland oo ku dhow madaxtooyada maamulkaasi, waxayan arrintaan daba socotay ,kadib markii shalay xilka laga qaaday 24 sac ee ugu dambeyeey Musuuliyiin C/raxamaan Faroole uu horey u magacaabay.

 

Ciidamadan ayaa ka Cadhaysan Xillka uu ka qaday Cabdwali gaas Ku sameeyay sadex masuul oo ka haray Dowladdii Cabdiraxmaan Faroole oo uu kamid ahaa Aaasimihii Tvga-Puntland Axmed kismaayo iyo Taliyihii Madaxtooyadda Cumar Cabdulaahi Faraweyne iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gen muxiyadiin Gacmey.

 

Waxaa haatan kacsan Xarunta Tv-ga puntland ay la Wareegen Ciidamadaas oo aad u Hubaysan waxaana Wararku sheegayan inaysa haatan socdaan wada hadalo ku aadan iyo Qaabkii ciidanka Meesha Looga saari lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

sheekadii somaliland bay keenen garoowe. somaliland ba ciidamo TV iyo radio la waregaan maalin walba.

 

loool. if true, this is minor dispute. the guy who was fired wants to keep his job but he is doing it the wrong way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this