Sign in to follow this  
malistar2012

Suicide bomber kills Puntland Bari regional police commissioner

Recommended Posts

FAAH FAAHIN:- Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Galabta Lagu dilay Taliyihii Booliiska Gobolka Bari.

4. August 2014

APL

 

 

 

Iyadoo galabta Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyey Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray lagu dilay Taliyihii Booliiska Gobolka Bari iyo mid ka mid ah Ilaalidiisa, ayaa waxaa kasoo baxaya faah faahino iyo warar kala duwan.

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay qaar ka mid ah Askarta Qeybta Booliiska Gobolka Bari oo ku sugnaa halkii qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof ismiidaamiyey,uuna isku qarxiyey alle AUN Taliyihii Booliiska Gobolka Bari Col C/raxmaan Cali Cabbaas(Muslim) oo banaanka uga soo baxay Qeybta Booliiska Magaalada Boosaaso.

 

Mid ka mid ah Askarta Booliiska oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ee Puntland ayaa sheegay in qofka Is-qarxiyey uu isagoo ordaya isku qarxiyey Taliyaha Taliyaha oo Maraya Al-baabka hore ee Qeybta.

 

”Taliyaha iyo Ilkacase iyo qaar kamid ah ilaaladooda markii ay ka baxeen albaabka Taliska qeybta oo aysan gaarin gaarigii ay raaci lahaayeen ayaa nin waxlxaha qarxa xiran isku qarxiyey…..”ayuu yiri.

 

Taliyaha oo dhaawac ahaan looga qaaday halkii lagu qarxiyey ee Albaabka hore ee Qeybta Booliiska Magaalada Boosaaso ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Magaalada ka dibna waxaa uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaraxa, waxaa la geeriyooday sida ay wararku sheegayaan Darawalkiisii oo lagu magacaabi Jiray Ilkacase, sidoo kalena horay Xoghayn iyo Darawal ugu soo noqday Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac, Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Dr Faroole.

 

3-dii Bishii April ee Sanadkaan ayay ahayd markii uu xilka la wareegay Taliyaha Galabta Qaraxa ismiidaaminta ah lagu Dilay ee Col. C/raxmaan Cali Cabbaas oo loo yaqaanay Muslim, markaasi oo uu xilka kala wareegay Taliyihii hore Cismaan Afdalow.

 

Ma jirto cid illaa hadda sheegtay Masuuliyadda Dilkiisa, mana jirto cidka tirsan Dowladda Puntland oo ka hadashey Dilka Taliyaha.

 

Xafiiska Wararka APL, Boosaaso

 

 

 

 

Nagala soo xiriir >> webmaster@allpuntland.com

Warkaan Ra'iyigaaga ka Dhiibo

Ma baahino aflagaado loogaysanayo, qof, qabiil, qowmiyad iwm, Noogu soo dir fikradaada email-ka >> raadgure@gmail.com , Tifaftir ka dib ayaanu soo daabacaynaa rayiga akhristaha - tifaftirka iyo daabicidu waxay qaadataa ugu badnaan saddex maalmood..

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this