Sign in to follow this  
malistar2012

Somali Gov leaves for America to meet Obama

Recommended Posts

20130117-somalia.jpeg?itok=XyqnyxRP

 

 

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud Oo Gelinkii Dambe Ee Maanta U Ambabaxay Dalka Mareykanka

Published on August 2, 2014 by Mowliid · No Comments · 368 views

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa gelinkii dambe ee maanta u amba baxay dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb galidoono, shir ay madaxda dowladda Mareykanka la yeelanayaan Madaxda Qaaradda Africa oo soconaya 4 ilaa 6 bishan, waxaana madaxweynaha safarkiisa ku wehliyay wasiirka arimaha dibadda iyo dhiiri galinta maalgashiga Somalia iyo xubno kale.

 

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusii sagootiyay wafdiga uu madaxweynuhu hogaaminayo ee u amba baxay dalka Mareykanka, R/wasaaraha C/wali Sh. Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

 

markii ay garoonka diyaaradaha ku duushay diyaaraddii sidday wafdiga madaxaweynaha ayaa qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha waxaa kula hadlay Radio Muqdisho iyo Talefashinka Qaranka R/wasaaraha dalka ahna ku simaha madaxweynaha C/wali Sh Axmed Maxamed ayaa sheegay in shirka ka dhacaya mMareykanka ay Soomaaliya la hortegi doonto qorshaha ay dowladdu ugu talagashay horumarinta dalka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa dalka Mareykanka uga qeybgelidoona kulan loogu magac daray jiilka dambe waxaana la sheegay in si gaar ah loogu faaqidi doono danaha iyo baahiyaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo wadamada Africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this