malistar2012 Posted August 2, 2014 Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud Oo Gelinkii Dambe Ee Maanta U Ambabaxay Dalka Mareykanka Published on August 2, 2014 by Mowliid · No Comments · 368 views Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa gelinkii dambe ee maanta u amba baxay dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb galidoono, shir ay madaxda dowladda Mareykanka la yeelanayaan Madaxda Qaaradda Africa oo soconaya 4 ilaa 6 bishan, waxaana madaxweynaha safarkiisa ku wehliyay wasiirka arimaha dibadda iyo dhiiri galinta maalgashiga Somalia iyo xubno kale. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusii sagootiyay wafdiga uu madaxweynuhu hogaaminayo ee u amba baxay dalka Mareykanka, R/wasaaraha C/wali Sh. Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale. markii ay garoonka diyaaradaha ku duushay diyaaraddii sidday wafdiga madaxaweynaha ayaa qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha waxaa kula hadlay Radio Muqdisho iyo Talefashinka Qaranka R/wasaaraha dalka ahna ku simaha madaxweynaha C/wali Sh Axmed Maxamed ayaa sheegay in shirka ka dhacaya mMareykanka ay Soomaaliya la hortegi doonto qorshaha ay dowladdu ugu talagashay horumarinta dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa dalka Mareykanka uga qeybgelidoona kulan loogu magac daray jiilka dambe waxaana la sheegay in si gaar ah loogu faaqidi doono danaha iyo baahiyaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo wadamada Africa. Quote Share this post Link to post Share on other sites