Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulamo Kala Duwan La Qaatay Dadka Reer Garbahaarey

Recommended Posts

f11dd4cb.jpg

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu horkacaayo oo maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay.

 

Wefdiga Madaxweynaha, ayaa waxa uu kulamo la qaatay Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, Odayaal Dhaqanka ee Deegaanka, Haweenka, Dhalinyarada. Wuxuuna Madaxweynuhu ka dhageystay macluumaad la xiriira abaaraha ka jira Gobolka.

 

Madaxweynaha Somaliya iyo wefdigiisa, ayaa kormeer ku tagey qaybo ka mid ah Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey, markii ay kulamada soo gaba gabeeyeen.

 

Madaxweynaha, ayaa isha la soo raacay Xero Militari, oo ay ku xareysan yihiin qiyaastii kun (1,000) askri, oo isugu jira Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed.

 

 

madaxweynaha-garbahaarey-13.jpg

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Garbahaarey, ka hor intii aanu ka soo amba bixin, ayaa waxa uu qiray in xaalad adag oo xagga nolosha ah, ay ka jirto Gobolka Gedo.

 

Madaxweynuhu wuxuu xusay inaanay Dowladdu lahayn itaal badan, ha yeeshee ay la xanuunsan doonto dadka reer Gedo, ee abaaraha soo xoogeysanaaya wajahaaya.

 

Madaxweynaha, ayaa wuxuu shacabka Somaliyeed iyo Caalamkuba uu ugu baaqay in gargaar loo fidiyo dadka degan Gobolka Gedo, xilli Gobolka Gedo uu ka jiro abaaro.

 

 

 

 

 

 

769

views

-1

votes

Facebook Disqus Google+ Livefyre

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this