Sign in to follow this  
Mooge

Singer Aar Maanta: I didn't give up on Somalia, but I gave up on Capital city

Recommended Posts

Mooge   

Fanaan Aar Maanta "Somala kama rajo dhigin, laakiin waxaan ka rajo dhigay caasimad ahaanshaheeda Xamar"

 

Fanaanka caanka ah ee la magaca baxay Fanaan Xassan Moxammed Cabdiraxmaan oo loo yaqaan (Aar Maanta) ayaa isagoo qiireysan kana tacsiyeenaya geerida naxdinta leh ee ku timid AUN Saado Cali Warasne qorlaa soo dhex dhigay bogiisa Facebook-ga uu ku leeyhaya.

 

Fanaanka weyn ayaa cabirey dareenkiisa, wuxuuna ugu horey ka tacsiyeeyay geerida foosha xun ee loo wax magaratada iyo dadqalatadu u geysatay AUN Saado, wuxuuna hoosta ka xariiqay in halka xaalada Soomaaliya ka dagi la’adahay ay tahay caasimadii oo ka haloowday,

 

Aar Maanta ” waxaan ku talinayaa hadii ladoonayo in Soomaaliya dib loogu soo nooleeyo in meesha wax ka hagaagi waayeen la daaweeyo oo ah in Soomaaliya caasimad Fayoow oo xalaal ah loo laga sameeyo gobolada nabdoon.

 

Fanaan Aar Maanta ayaa intaa ku daray in xalka Soomaaliya yahay caasimada oo laga badalo magaalada Muqdisho, ayadoo loo wareejinayo gobolada kale ee nabadgalyadu ka jirta, maadaama hadaba ay umada Soomaaliyeed si nabad ah ugu wada nool yihiin gobolada kale, waa in iyaga caasimada laga dhigaa ayuu yiri Fanaan Aar Maanta.

 

Fanaanka ayaa sheegay in uusan wali ka quusaan Soomaali-nimada, balse uu waa hore ka quustay caasimada ahaan shaha magaalada Xamar sida uu la qabo dadka Soomaaliyeed, maxaa yeelay dadka caasimada ku nool waa hal qabiil oo is yaqaan, Jifo jifo iyo laf lafba isu yaqaan, waa waxaan dhici Karin ayuu yuri in malinkasta inta wax garadka iyo aqoon yahanada la dilo hadana aan lasoo qabon.

 

Dinaca kalena muwaadiinin Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh magacna ku leh bulsho weeynta dhaxdeeda oo ka soo jeeda gobollada kala duwan ee Soomaaliya ayaa xiriir ay lasoo sameeyeen bogga caalamiga ah ee Allidamaale Ka dib dilkii wuxuushnimada ahaa ee loo gestay AUN Saado Cali Warsame si weyn uga gilgilshay dilka arxaan darrada AUN Saado Cali warsame waxeeyna ku booriyeen in dhowaan ay soo saari doonaan baaqyo ay ku codsanayaan in sida ugu dhaqsi badan caasimada dalka laga raro Xamar loona raro degaan kale oo nabdoon oo ay ku nool yihiin umad Soomaaliyeed oo xishoota kuna dheertahay dhaqankeena suubaan oo qiimaha badan leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this