Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland:Garaad Saleebaan robs Ina Bureeqa

Recommended Posts

Saalax   

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Oo Gaadiid Somaliland Siisay ku

Tagay Garoowe iyo Madaxda Puntland oo soo Dhaweyn Diiran u Sameeyay

 

 

Ina Bureeqa

 

 

 

 

 

Garoowe(Ramaas):-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimada Gobolka Sool

ayaa shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Garaad Saleeban Maxamed ayaa ka mid ahaa Madaxdhaqameedyada Gobolka, waxaanu dhawaan degmada Xudun ku soo dhaweeyay wefti ka socday Somaliland oo uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxaanay ka wada hadleen sidii Garaadku

Somaliland ula shaqayn lahaa.

 

 

 

Xidhiidhka u dhexeeyay Garaadka iyo Xukuumadda Somaliland, waxa kale oo ka mid ahaa Gaadiid Hargeysa looga diray oo la siiyay iyo wada hadalo hore u dhex maray, waxaana gaadhi Xukuumaddu siisay loogu sii dhiibay wefti uu hogaaminayay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo muddo ka hor xukuumaddu soo dhaweysay.

 

 

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxaa sabtidii shalay Qasriga Madaxtooyada Punland ku qaabilay Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Mr Cabdixakiim Camay.

 

“Soo noqoshada garaadka aad baan ugu faraxsanahay sababo badan awgood, waana u baahnayn. wuxuu muhiim u yahay midnimada Puntland iyo arrimo kale oo badan, Garaad Saleebaan mar walba door muhiim ah ayuu kaga jiray Puntland waana udub-dhexaad.” Ayuu Madaxweyne Gaas yidhi.

 

Garaad Saleebaan ayaa isna warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhawaynta Garoowe loogu sameeyay. Waxa uu sheegay inay arimo badan ka wada hadlayaan Madaxda Puntland “Dadkii Riwaayad baa loo dhisay been baa lagaliyay maamulo aan jirin oo soconaya ayaa loo sheegay Dadkii bur burkaasa ku dhacay ‘’ ayuu Garaadku sheegay.

 

Ramaasnews

Garoowe-des

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Garaad-Saleebaan-Garaad-Maxamed-Gaadiid-Somaliland-Siisay-ku-Tagay-Garoowe-iyo-Madaxda-Puntland-oo-soo-Dhaweyn-Diiran-u-Sameeyay.html#sthash.3UHCIMCt.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Garaad Saleeban is a staunch Puntlander and everyone in the political circles

knows that, it was naive for Siilaanyo to think he could bribe him with cars

and cash. :D It backfired on him big time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this