Sign in to follow this  
Saalax

TV-ga Qaranka Somalia oo Barnaamijyada Ciidda ka duubtay Hargeysa

Recommended Posts

Saalax   

TV-ga Qaranka Somalia iyo Universal oo Barnaamijyada Ciidda ka duubtay Hargeysa iyo Ogaal la’aanta Xukumadda

 

Hargeysa(Ramaas)July-25-2014-Telefiishanka Dawladda Soomaaliya ee SNTV iyo Universal TV ayaa barnaamijyo ku saabsan Ciidda ka duubtay Magaaladda Hargeysa, iyaga oo wariyayaashan oo ka soo duulay Magaalada Muqdisho ay si nabadgalyo ah uga soo dageen garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Egal, Waxayna barnaamijyada ku duubeen isla gudaha magaaladda Hargaysa.

 

 

 

Labada Telefiishan, ayaa fursad u helay inay wareysiyo la xidhiidha fanka iyo suugaanta Somaliland ka duubaan fanaaniinta xidigaha Geeska ee diwaangashan Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland.

 

Labadan Tv, ayaa dadka ay wareysteen, waxa ka mid ah kooxda xidigaha Geeska oo uu hormuud u yahay Guddoomiyahooda, Xasan Dhuxul Laab-saalax iyo inta badan fanaaniinta xidigaha Geeska, waxayna wariyayaasha barnaamijyada ay ka sameeyeen Hargeysa ay durba qaarkood ka baahiyeen Telefiishanka Soomaaliya (SNTV).

 

Labada Telefiishan ee Soomaaliya iyo Universal oo si ku xumayn ah barnaamijyadooda Ciidda uga diyaariyey Magaalada Hargeysa, ayaa wariyayaasha barnaamijyadaasi wadaa waxay isticmaalayaan mararka ay barnaamijka gudo galaan ama xidhiidhinayaan weedho ay ka mid yihiin “Daawadayaal, halkani waa Telefiishanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo aad ka daaweynaysaan Magaalada Hargeysa”

 

Arrintan ayaa ceeb weyn ku ah xukuumadda Somaliland, gaar ahaan laanta socdaalka oo ogaan kari waayay xiliga ay soo degayeen iyo Xiliga ay dhoofayeen. iyadoo warar uu wargayska Somalilandtoday helay sheegayaan in ujeeddada ugu weyn ee Telefiishanka Universal ka lahaa duubitaanka barnaamij yadan ay daaranayd inuu indhaha bulshada tuso In aanay shaqaynayn xayiraaddii la saaray. Halka ay Somaliland ceeb iyo fadeexad ku tahay in Telefiishanka Soomaaliya uu Hargaysa ka tabiyo Warbixino uu ku muujinayo in dawladda Soomaaliya ka arrimiso dhulka Somaliland.

 

Xogo dheeraad ah oo la xidhiidha barnaamijyada ay labadan Telefiishan ka duubeen Hargeysa ay ku lamaanaayeen rayi ururin ay si qarsoodi ah uga qaadeen dadweynaha, iyaga oo waydiinayey su’aalo ay ugu muhiimsanaayeen sida ay u arkaan in Somaliland iyo Soomaaliya dib u midoobaan, iyaga oo si gaar ah u bartilmaameedsanayey ashkhaasta aan wacyi-gashanayn ama aan wax badan ka fahamsanayn farriinta Telefiishanku ka qaadayo.

 

Ramaasnews

 

Hargeysa-desk

 

Source-Wargeyska Somalilandtoday

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/TV-ga-Qaranka-Somalia-iyo-Universal-oo-Barnaamijyada-Ciidda-ka-duubtay-Hargeysa-iyo-Ogaal-laaanta-Xukumadda.html#sthash.9UbmdGAJ.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this