Mooge Posted July 24, 2014 Puntland oo wafdi Wasiiro,Xildhibaano iyo Odayaal isagu jira saartay sidii Baaritaan loogu samayn lahaa dilka Xil,Saado C,Warsame July 24, 2014 2:57 pm GMT Garowe(pp) Wasiiro,xildhibaano iyo Odayaal dhaqan oo Puntland ah ayaa maanta ka dhoofay magalada Garowe xarunta Puntland kuwaasoo kusii jeeda magalada Muqdisho oo maalinkii shalay lagu dilay Allaha u naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle Indhoguran oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay socdaalkooda Muqdisho inuu salka ku hayo sidii baaritaan dhab ah loogu samayn lahaa dilka Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka mid ah Xildhibanadda Baarlamaanka DF kasoo gala Gobaladda Puntland. Indhoguran ayaa sheegay dilka Xildhibaan Saado inuu noqonayaa xildhibaankii 3-aad oo Puntland kasoo jeedana laguna dilo gudaha magalada Muqdisho iyadoo aan wax baaritaano ah lagu samayn. Ammaanka Muqdisho ayaa waayadii danbe sii xumaanayay iyadoona xildhibaanadda Baarlamaanka DF ay welwel ka muujiyeen ammaankooda maadama dilka Saado Cali loo adeegsaday hub culus. Quote Share this post Link to post Share on other sites