Sign in to follow this  
Saalax

Xidhiidhkii Somaliland Iyo wadamada Jarka Oo Sii Cakirmay oo ay sababtay Kulmiye

Recommended Posts

Saalax   

Xidhiidhkii Somaliland Iyo Jaarka Oo Sii Cakirmay

Writen by Qaran News | Published: Jul 20th, 2014

 

Xidhiidhkii Somaliland iyo Jaarka Oo Si Cakirmay

 

 

Siilaanyo

 

Xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya ayaa hada gaadhay heerkii ugu xumaa ee abad ina soo mara inta la xasuusan karo, iyadoo shaki wayn oo khuseeya arrimo xaga amaanka ahi uu soo kala dhex-galay labada xukuumadood, waxaanay arrintaasi gaadhay heer in madaxwayne Silaanyo iyo xubno ka tirsana xukuumadiisa dirqi loogu ogolaaday Fiisihii ay dalkaas ku galaayn doorki dhaweed.

 

 

 

 

 

 

 

Asbabta keentay sida la sheegayo in xukuumadda Somaliland ay ka dhago adaygtay codsi xaga itoobiyaka kaga imanayay oo ay ku dalbanayeen in wax laga qabto xubno ku sugan Somaliland oo la tuhunsan yahay inay xidhiidh dhaw la leeyihiin ururada argagixisada isla markaana khatar ku yihiin amaanka labada Wadan iyo guud ahaan ka mandaqadaba !!, iyadoo sida la sheegay ay Wasiiro ka mid ah xukuumadda Silaanyo lafteeda oo xagjirnimo lagu xanto ay ka soo horjeedsadeen in wax talaabo ah laga qaado shakhsiyaadka ay farta ku fiiqeen ee loo tirinayo xaga ururadda mayalka adag, waxana cad in laga dooranayo amniga guud ee dalka dano gaadh ah waana mid na wada galinaysa khatar weyn.

 

 

 

 

 

 

 

Dawladda itoobiya ayaa xidhay dhinaceeda xadka labada dal u dhexeeya oo muddo xidhna, wax war oo xukuumadda itoobiya sheegayso xageeda inay xududa furayso lama hayo moyyane inta oo wasiirka arimaha dibadda ku hadlay oo yidhe waa la furaya xadka, hadaba beentaas waxay cadaanaysa 4 maalmood ka dib wasiiro inuu hadalkaago run noqdo!!, waxa kale oo ay Qunsuliyada itoobiya ee hargeysaa joojisay fiisooyinkii dalkeeda lagu galayey arrimo la xidhiidha xaga nabadgalyadda awgood, iyadoo la sheegay in itoobiya gudaheeda lagu qabqabtey dad dhinaca Somaliland ka soo galay oo doonaya inay falal argagixiso ah ay halkaas ka fuliyaan,taasuna waxay na tusaysa tayo laa’aanta haysata wasaaradda arimiha gudaha iyo laanta socdalkoba !!.

 

 

 

 

 

 

 

iydoo kale xadka Somaliland iyo Djibouti oo isna gabi ahaanba ay xidhay dawladda djibouti ka dib markii la ogaaday in labadii qof ee fuliyey is qarxintii dhawaan ka dhacday djibouti ay dalkaasi ka soo galeen dhinaca Somaliland, taasna waxay ku keentay khaarooyin bulshadda somaliland gaadh ahaan ganacsigi u dhaxeyay labada dal, maanta kastamka loy cado waa mid laga wada yaacay shaqaalihii oo u soo anbabaxay magaaladda hargeysaa, iyadona ay magaaladda saylac ay tahay mid aan xarako la’aan xaga gaadiidka, waana siyaasadd xumida ay keentay xukuumaddan u hogaminayo silaanyo.

 

 

 

waxa qosolah dhacdo ku timi wafdigii madaxweyne silaanyo iyaago markaas rabay inay u ambabaxaan adiis ababa isago safar baadhitaan caafimaad ah oo uu ku tagayey magaaladda London iyadoo qurshuhu ahaa inuu maalin ama laba maalmood ku hakado Adis ababa si uu ula kulmo madaxda sare ee itoobiya, hase yeeshee waxa safarkiisa markaas u baaqdey Qunsuliyada itoobiya oo joojisay inay bixiso wax Fiiso ah oo ay siiso dadka reer Somaliland ee u socdaalay dalkeeda iyadoo fulinaysa amaro kaga yimid dawladdeeda dhexe ee itoobiya, laakin mar danbe loo aqblay waana runti fadeexad na tusaysa qabka maanta lala macaamilayo somaliland, dadweynahu waa inay xukuumaddan lala xisaabtamo, marka wasiir naga daa beenta armahaaguna way u cad yihiin bulshadda wax xad la furiyona ma jiro ee qirso fashilka siyasadda arimaha dalka.

 

 

 

http://www.qarannews.com/?p=49340

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Thanks to the incompetence of sadistic rogue Siilaanyo's Gov now the borders

Somaliland shares with Djibouti and Ethiopia are closed. They are making

Somaliland a pariah state and are undoing all the good relations developed

with the neighboring countries over the past decades.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

sleeping siilaanyo ruined somaliland to the core niyoow. it is time the peopel of somaliland work together to stop him from getting another 5 years because it will be 5 years of wasted time. somaliland's reputation is taters because of siilaanyo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

It is unlikely he will get another term, he lost most of his original support base.

The only thing he can attempt is a extension but even that won't be tolerated by

the opposition parties. The sooner he goes the better for Somaliland I agree.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this