Mooge Posted July 18, 2014 Dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay in Puntand ay ka baxday waqtigii arrimaha Bini’aadannimadda isla markasna loo gudbiyay xiligi hormarinta iyo maalgashiga dhulka baxadda wayn ee Dal-udug. IMG_2611 Si loo dardar galiyo howlaha hormarinta iyo Maalgashiga ayaa maanta shirkii gollaha wasiiradda dowladda Puntland waxaa loogaga dhawaaqay Puntland markii ugu horaysay inay yeelatay Hay’adda maalgashiga iyo hormarinta ka shaqayn doonta. Qoraal uu warbaahinta usoo diray Afhayeenka madaxtooyadda Quraan jecel ayaa sidaan lagu yiri ” Puntland waxay ka gudubtay marxaladii xaalada Bini’aadaantimada ahayd waxay u gudubtay marxalada horumarinta iyo maalgashiga sidaa owgeed waxay Dawladda Puntland Magacowdey ( HAY’ADDA MAALGASHIGA IYO HORUMARINTA PUNTLAND ) Puntland Investment And Development Authority ( PIDA)” Arrintan ayaa waxay noqonaysaa mid u saamixi doonta in dadka hantida haysa ee doonaya inay maalgashi samaystaan ay xog faahfaahsan ka heli doonaan hay’addan la unkay maadama Puntland ay ka buuxaan khayraad kala duwan oo u baahan in laga faa’iidaysto. Puntlandpost.com Xafiiska Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites