Mooge Posted July 18, 2014 Muqdisho(pp) Wareegto kasoo baxday Ra’iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa lagu magacabay xubnaha guddiga farsamadda ee dhismaha mamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya,guddigaasi oo ka kooban 18-xubnood iyo waajibaadka saaran. IMG_4216 Munaasibad ay Madaxda DF iyo masuuliyiin dhaqan kasoo qayb galleen ayaa xalay lagu qabtay magalada Muqdisho taasoo warbaahinta loogu soo bandhigay magacyadda iyo shaqadda ay u xilsaaran yihiin waxa lagu guubaabiyay inay si wanagsan howsha loo igmada uga soo baxaan. Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud oo munaasibadda ka hadlay ayaa yiri“Tani waa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dadaalladeenna ku aaddan gaarista Soomaaliya oo federaal iyo dimuqraaddi ah. Waxaa hadafkeennu yahay inaan dawladda u soo dhoweeynno shacabka oo aan taageerno midnimada. Hawshani waa ay adkayd, laakiin waxaan markii dambe ku guuleeysannay iskaashigeennii waanan ku wada faraxsannahay natiijada. Waxaan caawa isugu nimid inaan ka hambalyeeyno dadaalkii badnaa ee lagu bixiyay heshiiskii la gaadhay iyo sameeynta guddiga farsamada oo fududeeyn doona sameeynta Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gobolka Koonfur Galbeed.” Docda kale waxaa isna kulankaasi ka hadlay Wasiirka koowaad ee xukumadda DF Cabdiwali Shiikh Axmed wuxuna yiri“Waxaan jecelahay inaan u hambalyeeyo xubnaha guddigan oo aan u rajeeynayo inay ku guulaystaan shaqada muhiimka ah ee sugaysa. Waxaan ballanqaadayaa inaan taageero buuxda siiyo hannaankan waxaanan guddiga xasuusinayaa inay Xukuumadda Federaalka ah si buuxda uga go’an tahay in guul laga gaaro hawshan, oo aad muhiim ugu ah in dalkeenna uu ku guuleeysto nidaamka federaalka iyo in dalka laga sameeyo Gobollo Soomaaliyeed oo Federaal ah. Golahayga Wasiirrada iyo aniguba waxaan ku faraxsannahay inaan guddigan kala shaqeeyno gaarista hadafkaas muhiimka ah.” Quote Share this post Link to post Share on other sites