Sign in to follow this  
Mooge

SW3 overwhelms SW6 concept. Jawaari, Qoslaye and Yulka are all on board with SW3

Recommended Posts

Mooge   

unnamed31.jpg

 

Muqdisho(pp) Wareegto kasoo baxday Ra’iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa lagu magacabay xubnaha guddiga farsamadda ee dhismaha mamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya,guddigaasi oo ka kooban 18-xubnood iyo waajibaadka saaran.

IMG_4216

Munaasibad ay Madaxda DF iyo masuuliyiin dhaqan kasoo qayb galleen ayaa xalay lagu qabtay magalada Muqdisho taasoo warbaahinta loogu soo bandhigay magacyadda iyo shaqadda ay u xilsaaran yihiin waxa lagu guubaabiyay inay si wanagsan howsha loo igmada uga soo baxaan.

 

Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud oo munaasibadda ka hadlay ayaa yiri“Tani waa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dadaalladeenna ku aaddan gaarista Soomaaliya oo federaal iyo dimuqraaddi ah. Waxaa hadafkeennu yahay inaan dawladda u soo dhoweeynno shacabka oo aan taageerno midnimada. Hawshani waa ay adkayd, laakiin waxaan markii dambe ku guuleeysannay iskaashigeennii waanan ku wada faraxsannahay natiijada. Waxaan caawa isugu nimid inaan ka hambalyeeyno dadaalkii badnaa ee lagu bixiyay heshiiskii la gaadhay iyo sameeynta guddiga farsamada oo fududeeyn doona sameeynta Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gobolka Koonfur Galbeed.”

 

Docda kale waxaa isna kulankaasi ka hadlay Wasiirka koowaad ee xukumadda DF Cabdiwali Shiikh Axmed wuxuna yiri“Waxaan jecelahay inaan u hambalyeeyo xubnaha guddigan oo aan u rajeeynayo inay ku guulaystaan shaqada muhiimka ah ee sugaysa. Waxaan ballanqaadayaa inaan taageero buuxda siiyo hannaankan waxaanan guddiga xasuusinayaa inay Xukuumadda Federaalka ah si buuxda uga go’an tahay in guul laga gaaro hawshan, oo aad muhiim ugu ah in dalkeenna uu ku guuleeysto nidaamka federaalka iyo in dalka laga sameeyo Gobollo Soomaaliyeed oo Federaal ah. Golahayga Wasiirrada iyo aniguba waxaan ku faraxsannahay inaan guddigan kala shaqeeyno gaarista hadafkaas muhiimka ah.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this