Sign in to follow this  
Mooge

Ninkii fuliyey weerarka villa somalia is Qoslaye's cousin from Unuka clan

Recommended Posts

Mooge   

Waagacusub - Hoowlwadeenadda Villa Somalia ayey la yaab ku noqotay kadib markii Kaamiradda CCTV laga arkay ninkii soo geliyay Maleeshiyadda Al-Shabaab gudaha Villa Somalia kuwaas oo saarnaa gaari uu isaga waday.

 

Ninka fuliyay weerarkii Villa Somalia waxaa la yiraahdaa Xasan Muxyadiin Bustoolad weyne.Aabahiis Masjidka Madaxtooyadda ayuu Iimaam ka yahay.wuxuuna u dhashay qabiilka Unuka -

 

Ninkaan oo adeerkiis ka mid yahay taliyeyaasha tababarka Ciidanka Madaxtooyadda wuxuu Villa Somalia u qaabilsanaa adeega Isgaarsiinta ama telefoonada.

 

Dadka yaqaana waxay sheegeen in Xasan Muxyadiin marna looga shaki qabin inuu gacan saar la leeyahay argagixisada maxaa yeelay dhaqan ahaan iyo dabeecad ahaanba maaha qof lagu tirin karo xagjirnimo.

 

Ciidanka Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Xasan Muxyadiin,waxaana la weydiinayaa sababahii ku qasbay inuu argagixisada u sahlo weerarkii ay galabta ku qaadeen Villa Somalia ama Madaxtooyadda.

 

Sikastaba ha ahaatee, Xasan Muxyadiin Bustooladweyne wuxuu Maleeshiyadaas ku soo qaaday gaarigiisa isagoo soo horkacay,waxayna si dhib yar ugu gudbeen gudaha maadama uu yahay nin si weyn looga yaqaan Madaxtooyadda oo aan marnaba laga shakin.

 

Ballanqaadkii Madaxweynaha siiyay bulshada Soomaaliyeed ee NABAD KU AFURA WUXUU ISU BEDELAY NAXDIN KU AFURA laakiin hadii uu damiir leeyahay Madaxweyne Garguurte runtii kuma yaalo weji uu bulshada kula hadlo.

 

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed waxay kula taliyeen Madaxweyne Garguurte inuu indha shareer xirto marka uu Warbaahinta ka hadlaa maxaa yeelay isagoo jooga South Africa wuxuu Caalamka u sheegay inuu isbedel balaaran sameeyn doono markii la weeraray Baarlamaanka xilligaas oo afartan maalmood ka soo wareegtay wax isbedela kuma dhiiran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

hahaha. qoslaye is alshabab and alshabab is qoslaye niyoow. it is all inside job and somehow he always survives. loool. these unuka people don't want a government. the more death and destruction, the more they think the world will install another president for them. their whole mission is to keep the presidency because if the chaos ends, they have no leverage. looool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this