Mooge Posted June 30, 2014 poor Barre is still taking orders from his HAG masters and is trying cause trouble. puntland's visiting delegation to Kismayo sent a final warning to this creature and hopefully he will listen. Puntland oo Hanjabaad u jeedisay Barre Hiiraale. June 30, 2014 - Written by Editor Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Puntland oo ka mid ahaa waftigii Dowlada Puntland u dirtey magaalada Kismaayo oo ka qeyb qaadanayey xal u helista xiisado dhex marey labo maleeshiyo beeleed ayaa fariin hanjabaad ah u direy Korneel Bare Aadan Shire (Hiiraale). Wuxuuna wasiirku sheegey in hadii uusan la heshiin maamulka Jubaland Barre Hiiraale ay haboon tahay in lagu weeraro deegaanka uu ku sugan yahay ee Goob wayn. Wasiirka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka ka aloosan maamulka Axmed Madoobe iyo Korneel Barre Hiiraale kuwaasoo horrey ugu dagaallamay magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in ay ugu baaqayaan Korneel Barre Hiiraale in uu qaato nabad oo uu la heshiiyo maamulka KMG ah ee Jubba si loo soo afjaro dhibaatada ka taagan Kismaayo isagoona intaas ku daray haddii uu diiddo Barre Hiiraale nabad in lagu weerarayo deeganka Goobweyn oo 15km u jirta Kismaayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted July 1, 2014 Waftigii puntland ma intaas buu soo kordhiyay awoowe? Sanadkaan siyaasadda puntland horumar la taaban karo yaa kasoo baxday. Taliyihii daraawiishta iyo difaaca puntland wuxuu tagey meel taleex u dhow wuxuuna ku baaqay nabad in lagula noolaado walaalaha snm Wasiirkii diintuna wuxuu tegay kismaayo wuxuuna ku dhawaaqay in dagaal goobweyn lagu qaado Allaha na bixiyo adeer waayarkan dab siyaado ah yaa ku xiran sanadkan. Quote Share this post Link to post Share on other sites