Sign in to follow this  
malistar2012

Nicolas key"Mogadishu is safe and stable after 25 years congrats to Mayor

Recommended Posts

 

“Nicolas key degnaan iyo nabad ayaa ka jirta gobolka Banaadir” +SAWIRRO

 

“Nicolas key degnaan iyo nabad ayaa ka jirta gobolka Banaadir” +SAWIRRO

Published on June 25, 2014 by Feysal Muse · No Comments · 2,022 views

Guddoomiyaha G/banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta qado sharaf ugu Sameeyey Maqaayada Liid Sea Food ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mr:Nicolas key kaas oo ay wehlinayeen Masuulyiin kale.

 

Xafladdan qadada ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Odoyaal dhaqameed, Siyaasiyiin, ganacsato iyo bulshada rayidka ah kaas ay Ujeedadeedu aheyd in ay Bulshada Soomaaliyeed loo cadeeyey in Muqdisho ay nabad ka jirto.

munaasabaddii qadada aheyd markii soo idlaatay ayaa waxaa Socod lug ah lagu soo maray degmoooyinka C/casiis iyo kaaraan kuwaas oo ay sahcab sita caleemmo qoyan ay taagnaayeen Laamiga hareerihiisa, iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay kamid yihiin Nicolas key soo dhawoow, Muungaab Guul iyo erayo kale.

Intii Socodka lagu Jiray ayaa waxaa guddoomiye Muungaab iyo Nicolas key ay kasoo dukaameysteen carwoomiyin Ku yaalla suuqa degmada kaaraan iyagoona ka mahad celiyey sida wacan oo loo soo dhaweeeyey iyo sida ay bulshada reer kaaaraan ay isugu xiran yihiin.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa socdaalkii lagu so gabagabeeyey si nabad ah wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka BulshadaSoomaaliyeed uga Baaqay in laga faa’iideyto Bisha Ramaadan, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay is caawiyaan, gaar ahaan dadka liita.

 

muung3.jpg

 

kay1.jpg

kay9.jpg

 

 

kkkk.jpg

 

 

hh.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wonderful....so I guess there is no need for amisom. Let's remove amisom and send them home now. Back to the bush.

 

I guess malister doesn't want that because we all know it's not safe.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho oo maanta sidii hore ka bedalan, ciidamada DF oo wado walba taagan

Jun 27, 2014 - jawaab

 

Post Views = 217

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta oo Jimco ah aad ayeey uga duwan tahay maalmihii hore, waxaana magaalada ay u muuqataa mid xilligaan aad u amaan ah.

 

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa magaalada kusoo daadisay ciidamo aad u badan, misane badi leh aqlaaq iyo soo jiidasho dhanka shacabka ah.

Ciidamadaan ayaa isugu jira Booliis iyo nabad sugid, waana kuwo amaanka u sugaaya sidii loogu tala galay.

Wariyaal ka mid ah Alldhacdo oo maanta socod ku aaday Xeebta Liido ayaa aad ula soo kulmay Ciidamadaan, iyaga oo waliba sheeko gaaban la yeeshay.

Ciidamada waxay na dhaheen markii ay gaarigeena joojiyeen Walaalayaal waa ciidamada walaalahiina ee amaanka sugaaya, idinka oo dhib inoo arag wax aqoonsi ah maad wada tadaan, kaararka aqoonsiga ma aan tusin waayo waxaan rabnay inaan ogaano waxa ay sameenayaan, ka dib waxay nagu amreen in anaga dhan nala baarayo, gaarigana sidoo kale, sababtuna waxay ku sheegeen in amaankeena iyo amaanka dalka uu ku jiro” Mid ka mid ah wariyaasha Alldhacdo ayaa sidaasi ku sheegay.

 

“Ciidamada si aan dhib lahayn ayeey baaritaanka u sameeyeen, waxaana ay nagu yiraahdeen naga raali noqda inta yare e aan waqtiga idiin ka luminay, mana jirin handadaan ama dhibaato dadka kale xitaa loo geysanaayo”

Dhanka kale xeebta liido waxaa laga mamnuucay in gaadiidka iyo hubka lala galo, waxaana dhanka kale badda ku daadsan doomo badan oo ay lahaayeen ciidamada Mariiniska Soomaaliya, waxaana shacabka loo diidaayay inay meel dheer aadaan, waxaana dhanka kale ay soo qadayeen dhalinyarada meelaha dheer dabaasha ku aaday.

Amaanka magaalada Muqdisho waxaa hadda laga dareemayaa Isbedal aan caadi ahayn, waxaana ciidamada dowladda ay lasoo baxeen wejiyo cusub oo soo dhaweyn ah, waxaana u riyaaqay shacabka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu wado Qorshe Amaanka Caasimada lagu Xaqiijinayo islamarkaana uu ka mid yahay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya aysan Hub la soo gali karin Magaalada,waa hadii aysan xiligaa Shaqo ku jirin.

Gudoomiye Muungaab ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in Hay’asaha Amaanka Qaabilsan ee gaarkan loo leeyahay uu Maamulka Gobolka la Xisaabtami doono,oo aan loo ogalaan doonin in ay qaataan Hub aan Sharciyeesneeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

lool@malisHAG. niyoow isku xishood. Mogadishu has better mayor than the nacas tarzan but if muungaab doesn't return property to rightful owners, he will become another tarzan axmaq. he needs to kick out the thief off their occupied residences. that is what muungaab needs to do if he wants to be taken seriously niyoow. if not, he will be going into the history books as another failed mayor of Mogadishu.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muungaab oo markii ugu horeysay simay shacabka iyo xubnaha DF u shaqeeya

Jun 28, 2014

 

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa amar ku bixiyay in si iskumid ah loo baaro gaadiidka ay wataan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Magaalada Muqdisho laga isticmaalo.

 

Gaadiidka Dowladda ee ay saaran yihiin ciidamada Dowladda ayaan la baarin, waxaana ay si xoog ah ku maraan wadooyinka Magaalada Muqdisho, mana ilaaliyaan sharciga wadooyinka iyo midka hagida ee ciidamada ilaalada wadooyinka (Taraafikada).

Muungaab wuxuu sheegay in Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku amrayo inay si isku mid ah u baaraan gaadiidka ay saaran yihiin ciidanka Dowladda iyo kuwa shacabka, maadaama uu sheegay in kuwa ciidanka qudhooda lagu soo dhex-dhuuman karo sida horay udhacdayba.

 

“Waxaan ugu baaqayaa baabuurkasta nooca uu doono ha ahaadee Hay’adaha ammaanka waxaan farayaa oo amar ku bixinayaa in la baaro baabuurta dhan xitaa kuwa ciidanka ay saaran yihiin”Ayuu yiri Muungaab.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay “Gaariga hadii afar ciidan oo tuute saaran yihiin la arko ma la iska siideynaa mala baaraayo miyaa ma jirto sidaasi koontaroolada hada jira iyo kuwa Ramadaanka aan usameynay ee cusub intaba waa in lagu baaraa gaadiidka Dowladda xitaa Cabdi Bilaha waa in la baaraa sababtoo ah Cabdi bilaha rinji ayaa lasoo marin karaa kuwa meelaha lagu tuuray”Ayuu yiri Muungaab.

 

Magaalada Muqdisho ayaa horay waxaa uga dhacay weeraro kala duwan oo ay geysteen Al-Shabaab, iyaga oo iska dhigaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya watana gaadiid kamid ah kuwa gaarka loo leeyahay.

Weeraradii lagu qaaday Xarumaha Maxkamada dalka, Weerarkii UNDP iyo weerarkii ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya intaba ragii fuliyay waxa ay wateen tuutaha ciidanka Dowladda, sidaasi ayeeyna ugu suuragashay fulinta weeraradaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

gob_2.jpg

 

gob_5.jpg

 

Kulanka ayaa waxa lagu falaynqeeyay Xuska Munaasabadda 1-da Luuliyo iyo sida shacabka Muqdisho uga qayb qaadan lahayeen, waxaana kulanka kaddib ayaa waxa laga soo saaray qodabadan.

 

 

 

 

Kulanka ay maanta Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir Maamulka Gobolka Benaadir oo ay ka qayb galeen Guddoomiyayaasha degmooyinka, uuna shir Guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” ayaa looga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanayd Amniga Caasimada Muqdisho, munaasabada 1-da Luulyo, Bisha Ramadan iyo Nadaafada Caasimada.

 

Kulanka ayaa waxa lagu falaynqeeyay Xuska Munaasabadda 1-da Luuliyo iyo sida shacabka Muqdisho uga qayb qaadan lahayeen, waxaana kulanka kaddib ayaa waxa laga soo saaray qodabadan.

1) Maamulka Gobolka Benaadir waxa uu ku wargalinayaa dhamaan shacabka ku nool 17-degmo ee Gobolka in ay Nalal galiyaan,Nadiif ay ka dhigaan islamarkaana ay ku xiraan calanka Jamhuuriyada Federaalka Sooomaaliyana Banaanka hore ee guryahooda si ay ugu diyaar garoobaan xuska Munaasabada Xoriyada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo ku beegan 1-da Luulyo.

 

2) Maamulka Gobolku waxa uu ku wargalinayaa Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho in ay si qiiro iyo wadaniyada ku dheehantahay ay u soo dhaweeyaan todobaadka xoriyadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

 

3) Sidoo kale Maamulka Gobolka Benaadir ayaa taaba galinaya tartan aqooneedka Bisha Ramadaan ee ay ku tartamidoonan Gobolada dalka, waxaana qabanaya tartan cilmiyeedkan Idaacadaha Hoos ku Xusan.

 

1-Radio Muqdisho

 

2-Radio Shabelle

 

3-Radio Kulmiye

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this