Sign in to follow this  
malistar2012

Max’ed Cabdi Afey ma wakiil IGAD baa mise waa wakiil beeleed Somali ah?

Recommended Posts

madoobe-and-afey.jpg

BOGA HORE

WARARKASOMALI NEWS UPDATEARIMAHA BULSHADACIYAARAHAMAQAALORADIO ALLDHACDO

Max’ed Cabdi Afey ma wakiil IGAD baa mise waa wakiil beeleed Somali ah?

Jun 24, 2014 - 2 Jawaabood

 

Maxamed Cabdi Afey oo IGAD sheegtay inuu wakiil uga yahay Soomaaliya ayaa noqday Wakiil Beeleed ku hadla afka Kooxda Raaskaanbooniyiinta ee haysta magaalada Kismaayo. Maxamed Cabdi Afey oo difaacaya ninka ay isku beesha yihiin ee Hogaamiya Jabhada Kaanbooniyiinta ayaa shalay sheegay in loo aqoonsanayo Shabaab cidii kasoo horjeesata Heshiis uu ku sheegay in lagu heshiisiiyey labo Kooxood oo isku heysatay Maamulka Koonfur Galbeed.

 

 

 

Heshiiska uu sheegay Maxamed Cabdi Afey oo sheega inuu IGAD Matalo ayaa ah mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin, kadib markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunoow iyo Ku xigeenkiisa Maxamud Sayid Aden ay sheegeen inaysan heshiiskaa waxba ka ogeyn. Maxamed Cabdi Afey magacaabistiisa ayaa noqotay mid sii murjisay dhibaatadii iyo dagaaladii ka jiray dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdi Afey oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya gaar ahaan Beesha OG ayaa noqday mid baasiin kusii shuba dagaalada Beelaha ee ka socda Gobolada Soomaaliya. Handadaada Maxamed Afey oo uu isticmaalaayo Magaca IGAD ayaan ahayn mid ku cusub Soomaaliya oo wax ka bedelaysa xaalada Taagan.

Heshiiska Maxamed Cabdi Afey ayaa ah mid la mid ah Ruwaayadii maalin dhoweyd Kismaayo kusoo dhigeen Raisul Wasaare Cabdi Weli iyo Maxamed Cabdi Afey oo ay ku sheegeen inay soo heshiisiiyeen Kooxda Axmad Madoobe iyo Kooxda Col. Barre Hiiraale, Riwaayadaas oo Col Bare si Cad idaacadaha uga sheegay inaanay waxba ka jirin, Hanjabaadii Maxamed Cabdi Afeyna ay noqotay mid ku eg idaacadaha iyo afka Baarkiisa.

 

Riwaayada Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali iyo Wakiil ku sheega IGAD Maxamed Cabdi Afey ayaa dagaalo ka dhex dhalisay Beesha MX iyo sidoo kale Kooxdii ku wada socotay Magaca Beesha Kablalax iyo OG . Dagaalo culus oo dhowaan ka dhacay Kismaayo una dhaxeeyay Kooxda Kaanbooniyiinta iyo Beesha Harti ayaa la shegayaa in Beesha Harti Daarood looga soo saaray magaalada Kismaayo.

 

Isku soo wada duube Maxamed Cabdi Afey oo ku hadla Magaca Kooxda Kaanbooniyiinta ayaa noqday mid ceebeeyay Magaca IGAD iyo dhamaan wadamada ku bahoobay, Baarlamaanka iyo waxgaradka Soomaaliya ayaa canbaareeyay qaabka foosha xun oo loo isticmaalayo Magaca IGAD.

ISHA:- CAASIMADA ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this