Sign in to follow this  
malistar2012

shabelle State reconciles the two clan fighing L Shabelle Congrats

Recommended Posts

 

The Water Melons tribe and H.G have reconciled under the banner of Shabelle state further meeting and reconciliation will be Held in Afgooy the two side have accepted peace . Shabelle State will bring sustainable stability.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DHAGEYSO:- Madaxweynaha Maamulka Shabelle State oo ka hor yimid aqoonsiga dowladda ay siisay maamulka 3-da gobal ee Koonfur Galbeed

 

 

 

 

Jun 24, 2014 - 1 Jawaab

Madaxweynaha maamulka Shabeele State Abuukar Cabdi Cismaan “Mardaadi” oo la hadlay SAADAAL MEDIA ayaa ka hadlay aqoonsiga dowlada Soomaaliya ay dhalay aqoonsatay maamulka KMG ee koofur galbeed Soomaaliya.

 

 

 

Madaxweyne Mardaadi ayaa aqoonsigaasi ku tilmaamay xad gudub lagu sameeyay maamulka Shabeele State oo sheegta inay ka taliyaan gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

 

 

 

Wuxuu sheegay madaxweynaha in arintaasi ay ka dambeeyay dad wata daro gaar ah, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna cadeeyay inaysan aqbaleynin natiijada ku saleysan aqoonsigaasi.

 

 

 

Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya iyo caalamka marka laga soot ago ay aqoonsi ka rabaan shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.

 

 

 

Mardaadi ayaa sheegay in shacabka Shabeelaha Hoose ay doorweyn ka qaateen dhismaha dowlada uu iminka madaxweynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud, iminkana sida uu sheegay la doonayo in la gumaado.

 

 

 

Aqoonsigii dowlada Soomaaliya shalay ay siisay maamulka KMG ee Koofur Galbeed oo ka kooban dhinacyadii seddexda gobol oo lagu biiray lixda gobol ayaa keenay in dhinacyo badan ay ka horyimaadaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Hadii dawladdi lagu eedeeyo inay ka gaabisay dhaqan gelinta federalka iyo is raacinta gobalda

Odyaashii dhawaanahaanba xamar ku abtirsan jirayna waxay ku doodayaan inaysan shabeelada hoose galgaduud ka go’I Karin,waa arin layaabkeeda leh

Shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose isku jiho ma jiraan,dadka degaana waa dad xeeb iyo beer ku dhaqma maskaxdooduna degan tahay

 

Hadii la yiraahdo gobaladda koonfirta lix gobol halaysu raaciyo laguna heshiiyo waa macquul

hadii la yiraahdo sedex iyo sedex halaysu raaciyo iyaduna waa macquul, laakiin waxaan macquul noqon Karin 16kii degmo ee xamar wiilal isku lahjada gudoomiyayaal halooga dhigo ama yicib iyo canbe ha laysku kariyo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

lool@shabeele state. there is no such thing malistar. you are fabricating a phantom state to undermine the South West state. loool.

 

niyoow ciyarta naga daa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Shabelle State is older and has more legitimate on the ground , the two Governors and the MP of Lower and middle Shabbele have agreed to reconcile and form State .

 

 

South west state only Exists in only Bay n Bakool .....

 

The two Shabelle have reconciled formed State elected leaders - ministers and etc .....

 

 

 

Qorshe Lagu Wado in Lagu Mideeyo SHabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyo Kulan Lagu Qabtay Muqdisho

 

Published on February 11, 2014 by Maamulka · 2 Comments

Caasimada soomaliya ee muqdisho waxaa isugu yimid Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxayna ka wada hadleyn Arrimo badan oo la xiriira sidii loo mideyn lahaa labadaasi Gobal,

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir siidii ayaa kulan xaadir ku ahaa waxayna ku heshiiyeen in la mideeyo labadaasi Gobol.

 

Halkan Riix oo Dhagayso Warbixinta

Xildhibaan daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta la hadlay waxa uuna ka warbixiyay waxyaabihii kulanka ka soo baxay iyo Heshiiska lagu Mideynaayo labada Gobol oo ay isku af garteen Labada Gudoomiye.

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Home » Wararka »

Shabelle State oo guddoomiye cusub u magacaabay Marka + Fashilka C/Weli

 

JUNE 28, 2014 7:51 PM0 COMMENTSVIEWS: 567

 

 

 

Marka (Caasimada Online) - Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), ayaa wuxuu Gudoomiye cusub uu u magacaabay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha, ayaa wuxuu Gudoomiyaha Marka ugu soo magacaabay Maxamed Axmed Muuse, oo Deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Wareegtada, ayaa waxaa lagu sheegay in Maxamed Axmed Muuse uu ka hawlgali doono Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose maalmaha soo socdo, waxayna magacaabidiisa ku soo aadeysaa, xilli Ciidan taabacsan Maamulka Shabelle State ay la wareegeen barro kontoroolo, oo 9-kii bishaan ay Magaalada Marka ka sameysteen maleeshiyadii xiriirka la lahayd Al-Shabaab.

 

Maxamed Axmed Muuse, ayaa aad ugu dhow Gudoomiyaha Xeer Ilaalinta Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse, kaa oo uu adeerkii dhalay.

 

Magacaabida Gudoomiyaha cusub ee Magaalada Marka, ayaa waxay sidoo kale ku soo aadeysaa, xilli Maamulka Shabelle State uu si weyn uga biyo diiday, in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu biiriyo Maamulka loo dhisaayo Gobolada Baay iyo Bakool.

 

Arrintan ayaa fashil ku noqoneysa ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo gobol dad ay gaacanta ku hayaa doonaya inuu dad kale u gacan geliyo.

 

Caasimada Online

 

Xafiiska Wararka Marka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this