Sign in to follow this  
malistar2012

7 new wasiir have been named by Shabelle state today

Recommended Posts

7 new wasiir have been named by Shabelle state

 

Wixii ka dambeeyay markii magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha hoose ay gaareen wafdi sare oo ka socda maamulka Shabeelle State labo maalmood ka hor ayaa waxaa la magacaabay ilaa iyo dhowr wasiir oo uu maamulkaasi yeelanayo.

 

Madaxweynaha maamulkaasi Abuukar Mardaadi ayaa sheegay in isaga oo ku taagan dastuurka maamullada iyo qodobada u degsan maamulkaasi Shabelle State uu magacaabay todobo wasiir iyo hal gudoomiye oo loo magacaabay degmada Marka.

 

Wasiirada uu lahaan doono maamulka Shabelle State waxaa la sheegay in ay ka koobnaan doonaan ilaa iyo 15 wasiir waxaana sida hour dhaca ah uu u magacaabay madaxweyne Mardaadi todobo wasiir iyo guddoomiyaha magaalada Marka.

Jagooyinka wasiirada ee magacaabay waxaa kamid ah wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee maamulka Shabelle State oo loo magacaabay Maxamed Abuukar Cali(Jacfar) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Howl wadaag.

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Shabelle State oo ku dhawaaqay qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

 

Mogadishuonline 19.06.2014:

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Shabelle State ayaa ku dhawaaqay qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

 

Wasiirada uu shaaciyay Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Shabelle State ayaa waxaa ka mid ah.

 

1:Dr Cismaan Max’ed Max’ud Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.

 

2: Dr Cismaan Axmed Macallin Ibraahim Wasiirka Waxbarashada , Isbortiga iyo dhalinyarada.

 

3: Cali Nuur Max’ed Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta.

 

4:Max’ed Abuukar Jacfar Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga.

 

5:Dahabo Zuuse Max’ed Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

 

6: Xaawo Luul Aadan Buulle Wasiiradda Haweenka iyo Daryeelka Caruurta.

 

7: Yuusuf Muuse Guure Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

 

Si kastaba Maamulka Shabelle State ayaa si rasmi ah uga howl billaabay gudaha Gobollada Shabeelooyinka gaar ahaan Shabeelaha Hoose.

 

http://mogadishuonline.com/madaxweynaha-maamul-goboleedka-shabelle-state-oo-ku-dhawaaqay-qaar-ka-tirsan-golihiisa-wasiirada/

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

 

Muxudiin-Xasan-Afrax-iyo-Abuukar-Mardaad

 

 

WAR CULUS: DHAGEYSO – Muxudiin Xasan Afrax “Shabelle State ayaa gobalka ka maamula, dowladdana annaga ayay marti inoo tahay”

 

 

 

 

Jun 19, 2014 - 1 Jawaab

Muxudiin Xasan Afrax madaxweyne ku xigeenka maamulka Shabelle State ayaa waraysi xasaasi ah oo uu bixiyay kaga hadlay arrimo dhowr ah.

Waxa uu sheegay Afrax in goballada Shabeellooyinka ay xaqiijin doonaan amnigooda iyo hormarkooda isla markaana waxqabad cad oo muuqda ay u soo bandhigi doonaan shacabka ku dhaqan goballadaasi.

Waxa uu tilmaamay inay maamul u dhiseen magaalada Marko isla markaana iminka ay ku sugan yihiin Marko isaga iyo madaxweyne Mardaadi.

 

“Magaalada Marko iyo deegaano kale oo gobalka Shabeellaha Hoose ka tirsan annaga ayaa xukunna, oo gacanta ku haya, marka adeer maamul ayaan u dhisnay magaalada gobalka iyo degmooyinkiisa kalena waan u dhisaynaa” sidaasi waxaa yiri Muxudiin Xasan Afrax.

 

Muxudiin oo hadalkiisa sii wata ayaa la weydiiyay su’aal ahayd: “Mudane Muxudiin Xasan Afrax gobalka Shabeellaha Hoose, ma dowladda ayaa marti ugu tihiin mise adinka ayaa marti la idin yahay”?

 

“Dowladda iyada ayaa marti inoo ah oo hadda magaalada annaga ayaa gacanta ku heyna” sidaasi waxaa mar kale yiri Afrax.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Seriously malister: what is the point of creating these so called mamul...acudubilah. Mugdisho is under occupation by uganda and burundi. create some sort of city state that is free from foreign soldiers before you even think about anywhere else. Walahi Somalians in konforia seriously messed up.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this