Mooge Posted June 14, 2014 Faahfaahin– Dagaal ka dhacay Deegaanka Meegaagle, iyo Beelo reer Puntland oo Deegaan ka ah oo ka difaacay Masuuliyiin iyo Isimo uu Cali Khaliif Galayr kamid yahay oo Maleeshiyo taabacsan Soomaaliland ay baacsanayeen cali khaliif galayr. Wararka rasmiga ah oo Puntlandi ka soo ururshey breaking nesDeegaanka Meegaagle ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Dagaal shalay ka dhacay Deegaankaas uu ku salaysnaa ka dib markii Deegaanka ay isla soo galeen Maleeshiyo reer Sool ah balse taabacsan Soomaaliland oo baacsanayay Masuuliyiin iyo Isimo ay kamid ahaayeen Cali Khaliif Galayr. Dadka Deegaanka Meegaagle ayaa durba qoryaha boobey oo Isimadii iyo Masuuliyiintii ka reebey Maleeshiyadii baacsanayay, waxaana goobta ka dhacay Dagaal faraha la isula tagey, Waxayna Dadka Deegaanku ku Guuleysteen iney difaacaan Masuuliyiintii laga soo baacsadey Taleex oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr iyo Sagaal Isin. Maleeshiyadii taabacsabneyd Soomaaliland 9 ayaa laga diley Afarna nolol ayaa lagu qabtey ay laba dhaawac tahay, Illaaladii Cali Khliif iyana 5 ayaa ka dhimatey, Dadka deegaanka Meegaagle waxaa ka dhintey Hal nin. Shacabka Deegaanka ayaa xalay Marti Galiyey Masuuliyiintii ka yimid Taleex ee Cali Khillf hogaaminayay, waxaana saaka loo amba bixiyey Deegaano ka tirsan Gobolka Sool, iyagaana codsadey sidaas. Odoyaasha Deegaanka ayaa markii hore isku deyey in Masuuliyiinta loo gudbiyo Buurtinle si halkaas loogu marti sooro ayna u joogaan inta xaalka Gobolka sool degayo balse sida aan warka ku helney Xildhibaan Cali Khaliif ayaa doorbidey iney joogaan deegaankaan, subixiina u dhaqaajiyaan Meelo ka tirsan Sool, Waxaana saaka lagu darey 30 nin oo hubeysan oo dadka Deegaanka ah oo Gaarsiiya Masuuliyiinta meesha ay u socdaan. Puntlandi.com Buurtinle Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted June 14, 2014 Shacabka Qorileey iyo Meegaagle oo ka tirsan Degmnadda Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa Difaacay Xildhibaan Cali Khaliif,Dr Cali Ciise, Garaad Jaamac Garaad C/Qani iyo Ergadii khaatumo oo ay baacsanayeen Ciidamo Beesha SSC u badan ee Somaliland taageersanaa. Maleeshiyaadkii Beesha SSC u badnaa ee Somaliland taabacsanaa ayaa laga dilay 27,halka ay dhaawac ahaan u qaateen 36-Askari oo dhaawacooda lagu dawaynayo Degmooyinka Burco iyo Laascaanood,iyadoo laga gubay Ciidamadii SSC ee Somaliland taageersanaaa 2-Tikniko ah,halka Ilaaladii Cali Khaliif iyo Dadka Deegaanka ay ka geeriyoodeen 6-ruux,waxayna Dadka Deegaanka Qorileey iyo Meegaagle Xalay Rati u qaleen 2-Cali iyo Isimadii la socotay,iyadoo Xildhibaanka u mahad-celiyay gurmadkii ehelnimo ee Dadka Deegaanka u fidiyeen. Odayaasha Beesha Buurtinle ee dega Meegaagle iyo Qorileey ayaa 40-Wiil oo hubeysan ku daray Ergadii Khaatumo,waxaana hadda loo galbiyay Deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted June 14, 2014 His own clan militia paid by siilaanyo was chasing to capture kill him and the elders and he was saved by Cabdulahi Yusuf's clan which also lives in the region. Quote Share this post Link to post Share on other sites
DoctorKenney Posted June 14, 2014 Lool why doesn't this guy just take the hint, and retire? If there's ever a reason why this man should step down from politics, this is the reason. Iska seexo, buy a home near the beach, and drink some fruity drinks ....Why involve yourself in politics if you're clearly not wanted or needed? Quote Share this post Link to post Share on other sites