Saalax Posted June 1, 2014 Qarax Ka Dhacay Hargeysa Iyo Sarkaal Ka Tirsan Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Oo Ku Dhaawacmay Hargeysa(Ramaas)Jun.1.2014-Sarkaal ka tirsan Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay Agagaarka Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha. Sarkaalka ka tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay magaciisa Maxamed Dheere, qaraxa ayaa haleelay isagoo gaadhigiisa wata isla markaana ku soo socday dhinaca Xafiiska. Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Dayrka Maktabada masaaridda iyo wasaaradda Cadaaladda oo dhinaca barri kaga beegan Qasriga Madaxtooyadda Illaa hada lama hayo cida qaraxaas fulisay, hase yeeshee waxa gariirkiisa laga dareemay magaaladda Hargeysa. Ramaasnews Hargeysa Desk - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Qarax-Ka-Dhacay-Hargeysa-Iyo-Sarkaal-Ka-Tirsan-Xafiiska-Xeer-Ilaaliyaha-Oo-Ku-Dhaawacmay.html#sthash.Hd9b9Pbr.dpuf Quote Share this post Link to post Share on other sites